Sheekh Shariif oo adeegsadey KELMAD aysan dad badani u riyaaqin!

0

(Hadalsame) 02 Okt 2019 – Madaxwaynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo badanaa looga bartay inuu ahaa siyaasi warararkiisa ka fiirsada ayaa beryahan wada siyaasad aanay dad badani uga baran.

Wuxuu ka mid yahay siyaasiyiin shalay Muqdisho kaga dhawaaqay madal la sheegay inay ku midaysan yihiin axsaabta mucaaradka ku ah DF Somalia.

Shir jaraa’id oo uu beri dhowayd qabtay ayay dad badani ka qabteen dhowr eray oo la isku raacay in qiyam ahaan iyo sharci ahaanba aysan ku habboonayn Madaxwaynihii hore, oo uu xil gaar ihi saaran yahay marka loo eego heerka uu siyaasadda ka gaarey.

Sheekh Shariif ayaa maanta markale oo uu shir jaraa’id qabtay, ayaa dowladda ku tilmaamay ”cadow” la mid ah Al Shabaab, taasoo ay dad badani u arkeen kelmad aan isaga iyo xaaladda haatan lagu jiraba aan ku habboonayn, isla markaana keeni karta inuu Shariifku ku waayo shacbiyad hor leh.

Dad badan oo baraha bulshada adeegsada ayaa sheegay inay wax wanaagsan tahay in dowladda la dhaliilo oo khaladaadkeeda la sheego, balse aanay ku habboonayn in cadow lagu tilmaamo ama shacabka laga hor keeno, maadaama lagu jiro xilli wax la isu jiid jiidayo.

Hadalsame Media