SAWIRRO: Shirka caalamiga ah ee Muqdisho oo maalintiisii 2-aad galay & dalalka kasoo qayb galay (Xaaf oo kasoo muuqday)

0

(Muqdisho) 02 Okt 2019 – Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shirka caalamiga ah ee dalalka jaalka la ah Somalia halkaa loogu qabtay, kaasoo galay maalintiisii labaad waxaana haatan shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Somalia Mudane Xasan Cali Khayrre oo sidoo kale lagu wado inuu xiro.

Yeelkeede, waxaa mar qura shirka kasoo muuqday Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo markii hore ay jireen warar sheegaya inuu shirkan diidan yahay isla markaana uu ashtako ka yahay DF Somalia.

Md Xaaf oo maalin dhowayd sheegay in uu dib ula soo noqday wakaalad uu horay ugu igmaday DF Somalia marka ay timaaddo maamulka shirka dhismaha Galmudug ayaa ugu dambayntii maanta shirkaasi kasoo muuqday.

Shirkan oo ay fadhiyaan in ka badan 50 dowladood oo ”jaal la ah” Somalia, ayaa waxaa kasoo qayb galay maamullada dalka sida Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Gobolka Banaadir, waxaa se ka maqan maamullada Puntland iyo Jubbaland.

 Hadalsame Media