RA’YI: Waxaa jirta hal arrin oo muhim ah oo uu ka ilduufsan yahay maamulka Puntland!

0

(Hadalsame) 02 Okt 2019 – Madaxweyneyaashii Hore ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif wakhtiyadii ay xilka hayeen waxa uu wakhtigu kaga dhammaaday sida ay u raajicinayeen qancinta hoggaanka siyaasadeed ee wakhtiyadaas ee Puntland, iyagoo Madaxweyneyaashaasi ay ka fogaanayey in loo arko Dowladda ay hoggaaminayaan mid gaar u ah qabiilka ay ka dhasheen.

Inkastoo tanaasulkaas qaarkiis uu caqabad ku noqday dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalena ay u arkeen hoggaamiyeyaashii siyaasadeed ee Madaxda Heer Federaal ay u tanaasuleen mid ay awood siyaasadeed iyo aqoon dheer ay ku keensadeen, haddana waxa uu sabab u noqday unkidda hannaanka Federaal ee maanta jira.

Warqad xoog badan ayey u ahayd hoggaanka siyaasadeed ee Puntland in ay qaadacaan qorsheyaashii labadaas Madaxweyne labo sababood darteed:

1. In aysan dalka ka dhisnayn Maamul Goboleedyo kale oo buuxin kara booska ay Puntland bannayso, taas oo hadda meesha ka baxday maadaama saamiga ugu badan ee Maamul Goboleedyada ay maanta taageersan yihiin Dowladda Dhexe.

2. In hab qabiil loo eego maqnaanshaha Puntland oo dowladnimada Soomaaliya ay hal qabiil ku soo ururto wakhtiyada ay xilka hayeen Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Xasan, taasna maanta waa qiil aan jirin.

Arrimahan oo dhan waxa ay ku fahansiinayaan sababta ay maanta Dowladda Federaalka ah ay ugu sii dhiirato in ay sii amba qaaddo qorsheyaal waaweyn oo ay Puntland diidan tahay, aysanna macno weyn ku fadhin qoraallada “cambaareynta, dhaliisha iyo barbar-yaaca ah” ee ay soo saarayaan Hoggaanka siyaasadeed ee Puntland.

Waxaa muuqata in Hoggaanka siyaasadeed ee Puntland aysan si mug weyn u xuuraamin duruufaha siyaasadeed iyo kala duwaananshaheeda shalay iyo maanta, iyagoo wali ku dhega adaygaya in ay ku dagaal tagaan qorshihii 2009-kii.

Ugu danbeyntii, waxaa hubaal ah qorsheyaasha heer Federaal ee ay maalin kasta qaadaacayaan in ay barri aqbali doonaan, si kastaba ha ahaadeene, taasina waa mid lasoo tijaabiyey sanadihii la soo dhaafay, kaliya waxaa muhiim ah in bulshada Puntland ay ogsoon yihiin diidmada siyaasiyiintaasi in ay salka ku hayso dano gaar ah uun iyo masaalix ay u rabaan dad ku xeeran.

Waxaa Qoray: Maxamed Bashiir Jaamac

FG: Aragti kasta waxay ka tarjumaysaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media