Maraykanka oo 28 sano kaddib dib u furanaya Safaaraddiisii waynayd ee Muqdisho

0

(Muqdisho) 02 Okt 2019 – Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu dib asaasayo Safaaraddii uu ku lahaa magaalada Muqdisho oo ay dadku Siligga u yaqaannaan, taasoo xirnayd tan iyo Jannaayo 5, 1991-kii.

Maraykanka ayaa horay safaarad heer howleedkeedu hooseeyo Muqdisho ku lahaa tan iyo Diseembar 2018, halkaasoo uu Danjire ka yahay Donald Yamamoto, balse wuxuu sheegay in dib u furidda Safaaraddii caadiga ahayd ay tahay tilllaabo horay loo qaaday-.

”Furidda Safaaraddu waxay astaan u tahay xoojinta xiriirka Maraykanka iyo Somalia iyo horumarinta nabadda, horumarinta iyo xasilloonida Somalia iyo gobolka.” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo Safaaradda kasoo baxay.

Maraykanka ayaa tillaabadan sidoo kale ku tilmaamay mid taariikhi ah oo tusmaynaysa horumarka ay Somalia samaynaysey sanadihii dambe.

Maraykanka ayay diblomaasiyiin Muqdisho ka joogeen tan iyo markii uu aqoonsaday dowladda Somalia 2013-kii, isagoo sheegay inuu jaal firfircoon Somalia kula yahay qaran dhisidda socota.


Hadalsame Media