DANAB: “Cidna kama fiigin Shabaabkii soo weeraray Ballidoogle!” (Dhegeyso)

0

(Ballidoogle) 02 Okt 2019 – DF Somalia ayaa horay u sheegtay in ay laayeen tiro badan oo ka tirsan ururka Al-Shabab oo lagu dilay weerarkii dorraad lagu qaaday saldhiggii Ciidanka Cirka Somalia ee Ballidoogle.

Haddaba, Taliyaha Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame Jeeni-qaar oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay inaan waxba ka badbaadin maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Ballidoogle. Taliyaha ma uusan sheegin tiro sugan.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa iyaguna sheegtay inay weerarkaasi ku qaadeen saldhigga iyaga oo adeegsanaya baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo weliba maleeshiyaad hubaysan.

Taliyaha Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame Jeeni-qaar ayaa sida ay wax u dhaceen uga warramay Haaruun Macruuf.

Hadalsame Media