Xaafad CASRI ah oo laga dhisayo degmada Kaaraan + Sawirro

0

(Muqdisho) 01 Okt 2019 – Marina Beach Estate waa xaafad cusub oo loo dhisayo qaab casri ah ayaa lagu wadaa in laga dhiso Degmada Kaaraan ee woqooyiga magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka Somalia.

Dhismaha xaafaddan oo ay maalgashanayaan ganacsato Soomaaliyeed oo reer Muqdisho ah ayaa ka kooban qaybo kala duwan oo muhim ah degaanka ah sida dukaamo, masjidyo, dugsiyo, goobo lagu ciyaaro, boosteejo, maktabad, meelo cagaaran iwm.

Xaafaddan cusub ee sida Casriga ah loo dhisayo ayaa waxay muuqaal cusub oo soo jiidasho leh u sameyn doontaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan iyadoo yeelan doonta qurux dheeraad ah marka dusha laga sawiro (Aerial View) maadaama Kaaraan ay ka mid tahay degmooyinka ku teedsan xeebta Xamar.

Halkan hoose ka dheeho sawirrada naqshadda la doonay in loo dhiso xaafaddan.

Hadalsame Media

Facebook Comments