Maxaa ka jira wararka sheegaya inay BEEN tahay lacagta ay DF sheegtay inay ku iibsatey Safaaradda Washington DC?

0

(Washington, DC) 01 Okt 2019 – Waxaan arkeeynaa dad badan oo leh lagacta lagu gaday safaaradda 2.7 milyan oo laba milyan baa ka xaday, tasoo ay ula jeedaan been abuur si dowladda loogu xumeeyo sumcadeeda.

BEENTU WAA XARAAM

Guryaha Mareeykanka qiimaha lagu gaday iyo wixii hore loogu kala gatayba waa shaac (public), wax la qarin karo ma jirto oo waxaad ka heleeysaa meelkasta.

TAARIIKHDA GURIGA

Waxaa suuqa la geliyay oo iib laga dhigay 2017, markii ugu horeeysay sida ka muuqato lifaaqa Hoose Jun 15 2017 waxaa lagu rabay lacagta $ 4.435.000.

Ka dib lacagtii oo markasta la dhimaayay waxay dowladda Soomaaliya ku gadatay September 26, 2019 $ 4.250.00. Waa laba Boqol kun ka yar kacagtii guriga lagu rabay.

Taasi waxay ku tuseeysaa in Dowladda Soomaaliya ay gurigaas ku heshay lagac jaban, Waxaan kula talinayaa walaalaha Soomaaliyeed inaan dadka la jahwareerinin, oo dacaayada beenta ah laga daayo dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaayo burbur.

Waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa Dowladda Soomaaliyeed uu hogaaminaayo Mudane Madaxwayne Farmaajo inuu dib ugu soo celiyo caasimadda aduunka ugu wayn ee Washington DC, astaantii umadda Soomaaliyeed.

Mahadsanid Madaxwayne

Waxaa Qoray: Aqoonyahanka Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media