DHEGEYSO: Sweden oo qaxootiga ka qaadanaysa GO’AAN aan looga baran!!

0

(Stockholm) 01 Sebt 2019 – Waloow ay Sweden sida cad nidaamkaa kali taliska ah ee Bashaar Al Asad ay aad u cambaarayso, misna la yaab malaha in xiriir lala sameeyo, sida uu qabo Said Mahmoudi, oo ah professor xeerarka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Stockholm.

Wakaaladda Socdaalka Sweden ayaa dhammaadkii bishii agoosto go’aan cusub ka qaadatay magan gelyo doonka ka imanaya dalka Suuriya, kaasoo ay ku sheegeen inay aad uga soo raysay xaaladda amni ee dalkaasi.

Waxay taasi ka dhigan tahay in kiisaska qaar dadka laga diido codsiyada magan gelyo doonka ah, welibana si khasab ah dib loogu tarxiilo dalkii ay ka soo carareen ee Suuriya. Wuxuu dabcan ahaa go’aan aad uga duwanaa midkii hore oo ahaa in dadka Suuriya kasoo qaxa la siiyo rukhsad deganaansho oo ku meel gaar ah.

Sida uu haatan sheegayo madaxa sharciyada wakaaladda socdaalka Fredrik Beijer oo u warramay Ekot, waxaa xitaa dhici karta inay Sweden noqoto dalkii ugu horreeyay ee Yurub ah ee tarxiila qaxootiga suuriyaanka ah.

– Waxaanu ka mid nahey dalalka safka ugu horreeya. Maadaama siyaasaddu aanay soo fara gelin karin go’aamadeenna, way dhaqso badan yihiin. Marka waxay ila tahay in qiimaynta Sweden ay dalal badan oo kale isha ku hayaan, ayuu yiri.

Fredrik Beijer ayaa intaa raaciyay in go’aankani uu marka hore saamayn doono dad yar, iyadoo la sahmin doono in tarxiilkan loo adeegsan karo dadka dembiyada gala ee la musaafurinayo, kuwaasoo haatan 10 gaaraya Sweden oo idil, waloow ay sidoo kale wax kastaahi ku xiran yihiin fal-celinta dowladda Suuriya, sida uu yiri.

– Bar bilowgu wuxuu yahay, in wax kasta oo laga aaminsan yahay siyaasadda dal kale, waa inuu misna jiraa nooc xiriir wada shaqayneed oo ka dhexeeya labada dal,” sida uu sheegay Said Mahmoudi.

Si kastaba, waxaa jira dhowr gobol oo ku yaalla Suuriya oo ay Wakaaladda Socdaalku u aragto kuwo amaan ah, kuwaasoo ka xasilloon gobollada ay weli khilaafyada hubaysani ka taagan yihiin. Dookh kale waa in dadka loo tarxiilo caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq.

Yeelkeede, Shirin, oo ah gabar qaxooti  ayaa ka soo baxsatay dalka Suuriya, iyadoona Sweden ku sugnayd 3 sanadood, welibana rajaynaysa inay rukhsadda deganaanta helaan laba gabdhood oo iyada la dhashay, ayaa tarxiilidda Suuriyaanka walaac ka muujinaysa.

– Go’aankani waa mid aad u khaldan, marka la eego xaaladda qaxootiga. Waxay sheegayaan inay xaaladda ammaan ee Suuriya ay kasoo raynayso, balse halkaa kama jirto nabad ama degganaan, ayay tiri Shirin.

Hadalsame Media