TILLAABO UGUB AH: Maxkamadda Ciidamada oo baaritaan ku bilowday wixii ka dhacay Ceel Saliini (Daawo)

0

(Ceel Saliini) 29 Sebt 2019 – Guddoonka Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Somalia, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku gooddiyay in baaritaan lagu samaynayo sida ay ku timid khasaarihii Xoogga kasoo gaarey Ceel Saliini, gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xoogga ayaa la sheegay in ay weerarkaa kaga dhinteen askar isla markaana lagu qabsaday gaadiid ciidan oo ay ku jiraan kuwo dagaal, taasoo ah arrin marar badan soo noqnoqota, iyadoo la dareensan yahay in ay jirto dayacaad ama in xitaa ay jiraan ashkhaas la shaqeeysta Al Shabaab oo ciidamada ku jira.

”Xeer ilaaliyaha iyo guddigiisa ayaa baaris wax ku ool ah ku samayn doona ciddii lahayd mas’uuliyadda wixii dhacay.” ayuu yiri Shuute.

”Haddii ay dayacaadi jirto yaa eedda iska leh? Ma taliyaha ciidankaa leh, ma kan qaybtaa leh, ma saraakiishii ururkaa leh, ma ciidankii halkan ka shaqaynayaa leh? Waa inay mas’uuliyadda qof qaadataa.” ayuu daba dhigay.

Tillaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreeysey ee nooceeda ah, iyadoo ay marar badan oo hore dhacday in si fudud loo sheego in la qabsaday agab ciidan, balse aan waxba la iska waydiinin.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay inay tegi doonaan dhowr xero ciidan. ”Waa dhamaatay waagii inta wax dhacaan la iska socon jirey!” ayuu yiri.

Hadalsame Media