ISKA JIR: Kareem halis ah oo ah nooca la isku CADDEEYO oo Yurub soo galay!

0

(London) 29 Sebt 2019 – Macaamiisha Ingiriiska ayaa looga digayaa kareemyada la isku ifiyo oo u shaqayn karta sida “dareeraha rinjiga lagu dhaqo”.

Jamciyadda Dowladda Dhexe (LGA), ayaa dadwaynaha ku boorrinaysa inay “si wayn uga digtoonaadaa” iibsiga agabkan oo iyagoo aad u tayo liita ay ganacsato foowdo ihi dalkaa kasoo geliyaan Nigeria, Cameroon iyo dalal kale.

Waxaa kareemyadan ku jira maadaamo baliij ah oo la yiraahdo hydroquinone, waxaa kale oo ku jira mercury, sida ay caddeeyeen British Skin Foundation oo weliba soo jeediyay inay dadku dhakhtar u tagaan haddii ay arkaan xaalado aan caadi ahayn kaddib marka ay dawadan isticmaalaan.

LGA ayaa sheegtay in dawooyinkan oo lagu iibiyo suuqa caadiga ah iyo online ay halis caafimaad oo qoto dheeri ku hareereeysan tahay.

Hydroquinone, waxay tusaale ahaan qaadaysaa xuubka sare ee maqaarka, iyadoo sidoo kale dhaawici karta xubno muhim ah sida beerka, kelyaha. Mercury-du waxay iyaduna keeni kartaa halisyo caafimaad oo daran sida Kansarka.

Ilaa uu dhakhtar qoro waxaa caadiyan Britan ka mamnuuc ah kareemyada ay ku jiraan maaddooyinka hydroquinone, steroids ama mercury – halista caafimaad ee la socota darteed. Adeegsiga maaddada hydroquinone waxaa dalalka Midowga Yurub guud ahaan laga mamnuucay 2001-dii.

“Iska jir wax kasta oo dhaca, gaar ahaan haddii aanay ku qornayn waxyaabaha ay ka samaysan tahay marna ha isticmaalin.” ayuu yiri Simon Blackburn, oo ah Guddoomiyaha Qaybta Daryeelka Bulshada ee LGA.

Hadalsame Media