Haweenka NADIIFIYA xafiisyada Dowladda oo xaalad adag wajahaya!!

0

(Muqdisho) 29 Sebt 2019 – Markii Hore Haweenka Nadaafada waxay ahaayeen kuwa ugu Mushaarka yar Shaqaalaha Dowladda, iyagoo Taas isaga Qancsan ayaa waxaa Howshoodii Nadaafada ku soo Kordhay Howl Kale oo Dhibaato ku ah.

“Sidii uu u Dhacay Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir waxaa Howsheenii Nadaafada ku Siyaadey Howl kale oo aanan Xamali Karin oo ah in markaan Dhameyno Nadaafada Xafiiska Subaxa Hore ayaa waxaa imaanaya Masuuliyiintii Xafiiska ka dib maxaa Dhacay ” ayey tiri Haweeney kuwa Nadaafada ah oo aan Wareystey oo intaa raacisey

“Inta aysan Masuuliyinta Gaariga ka soo degin ayaa Xafiiskii Saakey ku soo Dhibtooney Howshiisii Nadaafada ayaa rag Hubeysan inta Xafiiska Galaan ayey Daba Dacal u Daba gedinayaan oo Baaritaan ku Sameynayaan” waxay intaa ku dartey.

“Roogagii iyo Kuraastii la isku yaaciyey ayaan dib u Hagaajinaynaa oo aan dib u Nadiifineynaa Xafiiskii, adigoo waliba ilaalo lagaa hayo Sidaa Darteed waxaa Dowlada Federaalka ka Codsaneynaa maadaama aan Laba Howlood Qabano in si gaar ah Mushaarkeena loo eegaa oo Culeyskaas la fiiriyaa.”

Waxaa Diyaariyay: Amiin Y Khasaaro

Hadalsame Media

 

Facebook Comments