”Dhib uma arko ninkii uu wato dal SHISHEEYE, balse waa ”sharci jebin” haddii ay wadato DF!”

0

(Hadalsame) 29 Sebt 2019 – 20-kii sano ee u dambaysay ayaa ay soomaalidu maqlayeen,”Hebel ayaa doorashada ku guuleysanaya, waayo Ethiopia ayaa wadata, Kenya ayaa wadata, Qatar baa wadata” IWM. Waa ay la qabsadeen oo caadi bay u noqotay.

Marka imika waxay la yaabban yihiin oo dhakafaar iyo dhabbanoqabsi ku noqotay, musharraxan dowladda Soomaaliya ayaa wadata!!!!! Waa qariib iyo wax ku cusub qofka Soomaaliga ah, waa wax ka duwan wixii lagu soo ababinayay 20kii sano ee tagay.

Markaasuu diidayaa kii lagu tuhmayay inay dowladda Soomaaliyeedi wadato, isagoo raacaya mid uu ogyahay inay dowlad shisheeye wadato.

War hebel maxaad ku diidday? Dowladda Soomaaliyaa wadata! Haye, oo saw hebelkan kale dowladda Kenya ma wadato? Haa, waa run way wadataa, laakiin kan kalaba Soomaaliyaa wadata dee…

Adeer haddiiba qof la wato aad raaceyso, kan ay dowladaadu wadato ma aad iska raacdid?

Dalkaygaan la jiraa iyo dantiisa.

Waxaa Qoray: Khalif Faarax Xayir

Hadalsame Media