CEEB: Switzerland oo XARAASHAYSA gawaari qaali ah oo uu soo XADAY hoggaamiye Afrikaan ah + Sawirro

0

(Geneva) 29 Sebt 2019 – Ururiska dhowr gaari oo lagala wareegey Madaxwayne Xigeenka Equatorial Guinea, Teodorin Obiang Nguema, ayaa lagu xaraashayaa dalka Switzerland kuwaasoo isugayn ahaan goyn kara 18.5m Swiss francs ama ($18.7m oo doollar).

Gawaaridan oo maanta oo Axad ah lagu xaraashayo Naadiga Xeegada ee magaalada Geneva ayaa ka kooban: 7 Ferrari, 3 Lamborghini, 5 Bentley, hal Maserati iyo hal McLaren.

Gaariga ugu qaalisani waa Lamborghini Veneno Roadster, kaasoo lagu qiimeeyo 4.8m ilaa 5.7m euro ($5.2-6.2m doollar) iyo Ferrari jaalle ah oo ku fadhiya inta u dhaxaysa 2.4 ilaa 2.6m euro.

A F McLaren P1 Coupe arrives for auction at the Bonmont Golf and Country Club.

Gawaaridan ayaa waxaa la wareegtey Waaxda Cadaaladda Swiss-ka oo kiis musuq ah ka galeeyay Obiang 2016-kii.

Obieng waa wiilka Madaxwaynaha Equatorial Guinea, Teodoro Obiang Nguema, oo dalkaa faqriga ah ka talinayay 40 sanadood, waxaana weliba la filayaa inuu xilka ku wareejiyo wiilkiisan.

Beri dhoowayd, waxaa Brazil lagu qabtay ilaa $16m oo kaash ah iyo saacado aad qaali u ah oo ay ciidamada Kastamku kala wareegeen Obiang iyo wefdi la socdey oo ku joogey dayuurad khaas ah.

Arrintan ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay musuqa madaxda Afrikaanka ah oo inta badan lagu tilmaamo kuwo aan lahayn garasho dhaafsiisan xil jacayl maadaama ay hantida dalalkooda u loogaan dalal shisheeye oo marka dambe si fudud oo aan la is waydiin ku qaata sida Switzerland oo ah dal sii baada madaxda xoolaha kula dhuunta halkaasi.

Hadalsame Media