XOG SIR AH: Faransiiska oo noqday dalka gadaal ka riixaya ajendaha Kenya & sababta

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2019 – Xog cusub oo iminka la helay ayaa muujinaysa in marka laga yimaado arrimaha amaan ee ay sheegnayso Kenya ay sidoo kale jiraan dano istaraatiji ah iyo kuwo dhaqaale oo ay leeyihiin dalal qalaad oo uu hunguri uga jiro saliidda iyo gaaska laga sheegayo Somalia.

Dalalka sida gaarka ah loo magac dhabay waxay iskugu jiraan reer Galbeed iyo qaar ka mid ah kuwa Khaliijka waxaana ka mid ah France, Norway, UK, USA, Italy, China, Qatar iyo Imaaraadka.

Yeelkeede, hal dal ayaa gedigood kasoo dhex baxay waana dalka Faransiiska oo la sheegay inuu isagu si furan u taageerayo sheegashada Kenya ee dhul-badeedka Somalia iyo khayraadka ceegaaga.

Fursadda dahabiga ah ayaa timid kaddib markii ay QM soo saareen in la dhimo xadka qalfoofta qaaradeed ee Continental Shelf (CLCS), wixii ka badan 200 nautical mayl, bishii Maajo 2009.

Kenya ayaa deeto Somalia waydiisatey inay kala xaajooto dhul badeedkaas, taasoo keentay in saxiix aan laga fiirsan ama dano gaar ihi ku hareeraysan yihiin oo loogu magac daray is afgarad (MoU) uu dhoco isla sanadkaas.

Sida ku xusan sir uu faafiyay Wikileaks, Wasiirkii saxiixay MoU-gu ma ahayn nin ay ku kalsoonaayeen madaxda Muqdisho waxaana jirey dano qarsoon oo khaas ah, waxaana halkaa ka dhashay in markii ugu horreeysey taariikhda ay Kenya sheegato “inay bad kula muransan tahay” Somalia.

Arrintu halkaa kuma harine 2011 waxay Kenya duullaan ku gashay koonfurta fog ee Somalia iyadoo qiil ka dhiganaysa la dagaallanka Al Shabaab howlgal ay ugu magac dartay “Operation Linda Nchi”, waxaana weerarkaa aad uga hor timid dowladdii xilligaa jirtey.

Yeelkeede, looma joojin waxaana Kenya si cad dhanka badda uga taageerayay Faransiiska oo bilowgii aad u duqeeyay magaalo maarsada Kismaayo kaddib dhanka badda kasoo dejiyay ciidamo badan oo Kenyan ahaa.

Tan iyo 2000 waxaa dunida kusoo noqnoqanayay xasarad dhanka tamarta ah, waana midda keentay inay sharikaad caalami ihi ay Kenya ka dhaadhiciyaan inay boobaab khayraadka Somalia iyagoo adeegsanaya isla Soomaalida (proxy), taasi haatan qayb ahaan waa hirgashay waayo dakhliga dekedda Kismaayo waxaa sidii ay doonto ka yeesha Kenya.

Markii la qalqaalinayay duullaankii 2-aad ee Ciraaq 2003-dii, Jacques Chirac oo Faransiiska xukumayay waa diidey weerarkaasi ay wadeen Bush-Blair, balse wixii ka bilowda waagii Nicolas Sarkozy wuxuu Faransiisku iska dhaadhiciyay in lagu qadiyay qaybaha ay heleen dalalka qoryaha waawayn.

La safnaanta Faransiiska ee Kenya 

Faransiiska oo soo liqay wixii khayraad yaalley dalalka Galbeedka Afrika oo uu inta badan weli si dadban u gumaysto, ayaa usoo jeestey khayraadka Bariga Afrika ee weli bikrada ah.

Sidaa darteed, wuxuu 20-kii sano ee tegey Kenya ku yeeshay dano istaraatijiyadeed, dhul-siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, waxaana halkaa booqasho uu madaxwayne Faransiis ihi abid ku tago horraantii sanadkan ku gaarey Emmanuel Macron, waxaana halkaa lagu kala saxiixday heshiisyo shaki dhaliyay oo ay ku jiraan “in hawada lagala socdo xeebaha.”

Midda ugu walaaca badanise waa danaha dhuleed iyo kuwa dhaqaale ee Faransiiska ee ay Kenya saldhigga u noqotay, si loo mija xaabiyo danaha Somalia, taasoo keentay inuu Faransiisku taageero duullaanka sharci darrada ah ee Kenya iyadoo amaan lagu marmarsoonayo balse ujeedku yahay khayraad raadin.

Qoraaga sheekadan Bashir M. Hussein ayaa wuxuu leeyahay Soomaalida iyadu isu jeeddaa waa inay dhegaha iyo indhahaba u furaan waayaha cusub ee gumaysiga waayo sida uu qabo waxay tani u qababaal egatahay waayihii qaybsigii Afrika ee 1984-kii, marka ay timaado sida aanu xeerka caalamiga ihi u qabanin dalalkii loogu duulay khayraadkooda dartii ee ilaa maanta la bililiqaysanayo sida Ciraaq iyo Libya.

Waxaa Tarjumay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media