”Waxaan sii wadaynaa tayaynta & qalabaynta ciidanka” – Dowladda oo diyaarisay ciidan cusub + Sawirro

0

(Muqdisho) 28 Sebt 2019 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo xerada tababarka Gen. Gordan iyo Kulyadda Jaalla Siyaad ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallada argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladdu dardar gelineyso tayeynta, qalabeynta iyo dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida.

Ciidamada, macallimiinta iyo saraakiisha hoggaamisa ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay dadaalladooda naf-hurnimada ah ee ay ku badbaadinayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay dowr firfircnoon ka qaataan howl-gallada shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo dhibaatada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidanka ugu tegay ku dhiiri-gelinta shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo, ayaa ciidamada u caddeeyay in dowladdu muhiimadda koowaad siineyso bixinta iyo hagaajinta xuquuqda ciidanku ay ku leeyihiin qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.

Xigasho: Radio Muqdisho

Hadalsame Media