Somalia oo tillaabo kale u qaadday dhanka horusocodka + Sawirro

0

(Washington, DC) 28 Sebt 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgalinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ku lahaa caalamka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahaan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa muujiyay dadaallada ay dowladdu ku bixinayso soo celinta qabkii iyo sharafkii dadka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haatanna la qorsheynayo si la mid ah tallaabadaan in dowladda ay u dhammaystiri doonto dhismaha iyo dayactirka Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si simman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Hadalsame Media