SAFARKA MW FARMAAJO – Rajo iyo ifafaale!

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2019 – Waxaan muddo badan si dhow ula socon jiray madaxda Soomaalida iyo muuqaalka ay soo bandhigaan marka ay safar hawleed ku tagaan fagaarayaasha caalamka.

Haatan waxaa si dhow u eegay safarka Madaxweyne Farmaajo ee UN-ka

Farmaajo waxaa uu sameeyey tillaab ku dayasho iyo bogaadin mudan oo huwan sharaf iyo karaamo isla markaasna shacabka Soomaaliyeed ku abuureysa rajo iyo ifafaale wanaagsan.

Dhawrkan qodob ayaan ka soo qaadanayaa wixii aan ka mulaaxadeeyey safarka madaxweynaha iyo hab jilliinkii wafdiga Soomaalida ee fagaaraha QM.

1. Madaxweynaha wuxuu watay hawlwadeeno heerar ka kala duwan leh oo u noqday garbo joogistiisa ka dhigay mid macne weyn leh, waxaana ka mid ahaa garbahaas wasiirada, safiirada iyo hawlwadeenada Madaxtooyada oo dhammaantood hawlo muhiim ah u qabanayeen madaxweynaha.

2. Farmaajo waxaa uu muujiyey inuu dhammaan xubnaha wafdiga ee la socday uu ka talo galinayey hawsha iyo qudbadda intaba, taas oo qudbadiisa ka dhigtay mid ay goldalooladeedu yar yihiin, taabaneysa arrimo badan oo masiiri ah, farriinna u direysa cid walba oo Soomaaliya dan gurracan ka laheyd.

3. Wuxuu muujiyey qab hoggaamiyenimo, wuxuuna UN iyo madaxdii dalalka kale tusay in ay Soomaaliya leedahay Diblomaasiyiin iyo madax karti u leh in ay dalkooda matalaan, galaangal iyo ololena sameyn karaan, taas oo laga dareemayey sida ay uga hortageen ololihii xodxodasho ee ay Kenya ka dhex wadday madaxda meesha isugu timid, si ay Soomaaliya ugaga guuleysato arrinta badda.

4. Farmaajo wuxuu muujiyey karti iyo bir adeygnimo uu Madaxda Kenya ku taabsiiyey dhabtii ay iska indho tirayeen, taas oo ah inuu mowqif adag istaagay xilli uu Uhuru Kenyatta muuiinayey jileec badan.

5. Dhammaan xubnaha wafdiga ee la socday madaxweynaha qof walba dowr iyo hawl ayuu lahaa, waxaana taas daliil u ah in wafdiga oo ka koobnaa, Diblomaasoyiin, Siyaasiin, Wasiirro, Warfaafin iyo Saraakiil ciidan mid walba uu ka qeybgalayey shir-doceedyo haddana ka dhex muuqanayey.

6. Qeybta warfaafinta madaxtooyada si dhow oo aan kala go’ ku jirin ayey dadka ula socodsiinayeen safarka iyo hawlaha wafdiga iyo hadba waxa socda iyo waxa dhici doona taas oo meesha ka saartay saameynta ay yeelan laheyd kutirikuteenta warbaahinta iyo baraha bulshada.

7. Farnaajo si bogaadin mudan ayuu u matalay danaha Soomaaliyeed ee heer caalami, heer qaaradeed iyo kuwa heer Gobal ee Geeska iyo Bariga Afrika, kuwaas oo uu ka run sheegay, si qab iyo kalsooni lehna u dhigay halkii ay mudnaayeen. Inta yar ee arrimaha gudaha quseysay ee dhaliisha laheydna waxaan fileynaa in uu “Zero tolerance” ka dhabeyn doono mustaqbalka dhow.

Ugu danbeyntii, haddii aan miisaan saaray waxa laga faa’iidey safarkii madaxweyne Farmaajo ee Qaramada Midoobay, waxaa ii soo baxeen seddaxdan qodob.

1. Sawir cusub oo dhinaca heybadda dalka ah ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha UN-ka, sawirkaas oo dunida u diray farriin weyn oo ah in Soomaaliya ay dib ula soo laabatay dowrkeedii fagaarayaasha caalamka.

2. Rajo dhinaca dowladninada ah ayaa dhalatay, waayo wafdiga Soomaaliya uma muuqan inuu yahay mid madasha marti ku ah oo aan door ku laheyn, taas oo horey u dhici jirtay. Wafdigu waxay ahaayeen kuwo doorkoodii uu muuqday, farriintoodana iyaga ayaa gudbisanayeen oo looma hadleyn, ama lama quursaneyn.

3. Ifafaale wanaagsan oo qabkii iyo hay’baddii Soomaalinimo soo celinaya ayaa ka muuqday hab dhaqankii wafdiga Soomaalida ee Madaxweynaha uu u xushay safarkiisa, kaas oo haddii la sii xoojiyo noqonaya mid si weyn loogu aayo.

Waxaan soo jeedin lahaa in dhammaan wafdigaas marka ay dalka ku soo laabtaan la siiyo shahaado sharaf, waayo matalaaddii 30 sano aan fagaarayaashaas laga dareemin ayey halkeedii ku soo celiyeen.

Ogaada sida kaliya ee aan ku noqon karno ummad sharaf leh waa in aan dhiirrigalino hawlwadeenadeena wax wanaagsan sameeya, iyagana waxay tuseysaa garowshiyo bulsho, wayna labo jibbaarayaan hawshooda, anagana waxaan heleynaa hawlwadeeno og in lagu xisaabtamayo dowrkooda.

F. G: Tani waa aragtideyda, haddii adiga aad qabtid aragti tan ka duwan oo la xiriirta dhaliilaha uu safarku lahaa, adiga u soo bandhig bulshada… wixii fikir iyo aragti ah ku soo qor hoos.

Waxaa Qoray: Abuukar Albadri

Hadalsame Media