RW Imran Khan oo la burburi gaartey dayuurad la amaahiyay (Farta oo ku godan Maxamed Bin Salmaan)

0

(New York) 28 Sebt 2019 – RW Pakistani ee Imran Khan ayaa sida lasoo werinayo waxaa cilladi lasoo gudboonaatey dayuuraddii uu ku safrayay ee siddey isaga iyo wefdi ballaaran oo ku socdey Pakistan, iyagoo ku khasbanaaday inay deg deg ugu degaan New York.

Shaqaalaha dayuuradda ayaa ogaadey inay jirto cillad danabeed, 4 saacadood kaddib markii ay Jimcihii shalay ka duuleen isla New York iyagoo u socda, sida uu sheegay hilinka Samaa TV.

Tafaasiisha cilladda ayaan lasii faahfaahin balse waxaa lagu tilmaamay kuwo halis ahaa, maadaama dayuuraddu ka noqotay meel u dhow Toronto, Canada. Waxayna ku degtey gegada New York ee John F. Kennedy International Airport.

Maadaama dayuuradda la cillad bixin waayay, wuxuu Khan ku qasbanaaday inuu habeen dheeraad ah sii joogo hoteel magaalada ku yaalla, isagoo maanta dayuurad caadi ah raaci doona haddii aan la xallin cilladda.

Waxaa jirta arrin kale oo xiise leh, waayo dayuuraddan hawada ku cilladoowdey waxaa iska leh dhaxal sugahay Sucuudiga ee Mohammed bin Salman, kaasoo amaahiyay Khan oo soo maray Riyaad isagoo dayuurad rakaab ah saaran, markii uu u socdey Maraykanka.

Khan ayaa ka noqonayay Maraykanka oo uu kaga qayb gelay shirka Golaha Guud ee QM, halkaasoo uu ka sheegay  “dhiig lagu qubaysan doono” haddii ay sii cakirnaato xaaladda Kashmiir. Wuxuu sidoo kale muujiyay inuu nukliyeer u adeegsan doono Hindiya haddii uu dagaal bilowdo.

Hadalsame Media