”Kenya waa eedday siyaasadda ”XAASIDNIMADA” ah ee ay ku wajahdey Somalia!” – Faarax Macallin oo kashifay dhib soo wajahey Kenya

0

(Nairobi) 28 Sebt 2019 – Ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolaha haysta gaar ahaan qurba joogta ayaa la sheegayaa inay ka weecanayaan maalgashiga Kenya, sida uu sheegay xildhibaankii hore ee Lagdera MP ee Faarax Macalim.

Macallim ayaa eedda u tiriyay Xafiiska Madaxwayaha Kenya iyo Wasaarad Dibadeedka dalkaasi, kuwaasoo ”siyaasad cadaawadeed” ku wajahey Soomaalida oo iyaguna joojiyay balaayiin shilin oo ay dalkaa gashan lahaayeen, sida uu qabo.

“Marka la eego siyaasadda xafiiska Madaxwaynaha iyo Wasaarad Dibadeedka, dhamaanba qurajoogta Soomaalidu waxay dooran lahaayeen maalgashiga Kenya iyo dhismaha dhaqaalaha Kenya. Balse waxaan u muujinnay hujuun aan lasii ogayn oo ku dhisan xaasidnimo. Somalia waxay dhowaan noqonaysaa Eldorado kale. Marka waxaan u baahan nahay samaddoonnimo wanaagsan si aan wax ula wadaagno,” ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter-ka.

Faarax ayaa sheegau in siyaasad xumada Kenya ay iminka si xun u saamaysay dhaqaalaha Kenya, maadaama ay sidaa ku seegtay dad badan oo maalgashan lahaa balse iminka u bayray dhanka Itoobiya oo la timid siyaasad furfuran iyo bay’o ganacsi.

“Hay’aadkii caalamiga ahaa ee Somalia ku shaqada lahaa waxay u guureen Addis Ababa. Qofk sita Baasaboorka Soomaaliga waxaa fiisaha lagu siiyaa garoonka. Waxaa kaloo jira duullimaad toos ah oo ka dhexeeya Mogadishu- Addis direct.” ayuu daba dhigay, isagoo sheegay inay ilaa 150,000 oo qoys oo Soomaali ihi ay haatan Turkiga u wareegeen.

Warka Faarax ayaa kusoo beegmaya xilli ay todobaadkii hore muddo kaddib wada fariisteen Somalia-Kenya si loo caadiyeeyo xiriirka labada dal.

Hadalsame Media