Ilwaad Elman oo qarka u saaran inay hanato Abaalmarinta Nobel Peace Prize

0

(Oslo) 28 Sebt 2019 – Gayfanaha Soomaaliyeed ee Ilwaad Elman, oo ka guurtey Canada si ay u degto Somalia 2010-kii si ay u xirato kabihii aabbeheed Allaha u naxariistee Elman oo isla halkaa lagu kharaajiyay bartamihii 90-meeyadii ayaa iminka u sharraxan abaalmarin caalami ah.

Ilwaad oo u ololaysa xuquuqda insaanka, inaan carruurta la askarayn, haweenka la kulma cunfiga jinsiga la xiriira, ayaa sanadkan hanan karta abaalmarinta Nobel Peace Prize, sida kasoo baxday dalka Norway.

Machadka Daraasaadka Nabadda ee Oslo (PRIO) oo ku dhawaaqay liiska dadka ugu dambeeya ee sharraxan ayaa sheegay in ay Ilwaad ku guulaysan karto iyadoo geleeysa khaanadda Da’yarta Nabadda u Ololaysa (Youth Peace Activism)

Agaasimaha PRIO ee Henrik Urdal ayaa sheegay inay 3 qofi abaalmarintan ku herdamayaan waxaana Ilwaad wehliya gayfane Libyan ah oo la yiraahdo Hajer Sharief iyo xildhibaanka ugu da’da yar baarlamaanka Hong Kong Md Nathan Law Kwun-chung.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments