TOOS u daawo: Soo bandhigidda naqshadda & xogta garoonka cusub ee AC Milan & Inter Milan – LIVE

0

(Milano) 26 Sebt 2019 – Ugu dambayntii maanta waa maalintii loo mudeeyay in lasoo bandhigo naqshadda garoonka cusub ee ay dhisanayaan kooxaha AC Milan iyo Inter Milan.

Waqcaddan oo saacadda maxalliga ihi marka ay tahay 11:00 lagu qabanayo Politico Bovisa di Milano ayaa la doonayaa in laga taago halka uu haatan ku yaallo garoonka San Siro oo qaada in ka badan 85,000.

Garoonka cusub oo qaadi doona 60-65,000 ayaa waxaa naqshadayntiisa iminka iskugu soo haray Populous oo naqshadeeysay Emirates Stadium iyo gegada cusub ee Tottenham iyo Sportium (studio Manica con Cmr) oo soo bandhigay laba naqshadood oo casri ah balse mid laga dooran doono.

Garoonkan ayay ku baxaysaa 1.2 bilyan oo doollar waxaana la socda hoteello, makhaayado, meelo lagu shiro iyo dhulal cagaaran iyo jardiinooyin.

Halkan hoose toos uga daawo saacad kaddib…

Halkan ka daawo..

App-kan degso ee tel-kaaga ka daawo..

Hadalsame Media