”Sug aan SUUXIYEE faashilka!” – Sheekada hoggaamiye Afrikaan ah oo 30 sano oo uu xilka hayay weli dibedda u taga safarro CAAFIMAAD!

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2019 – Hoggaamiye hore oo Afrikaan ah ayaa dhakhtar u tagay dalka Jarmalka. Intii aan la bilaabin daaweyntiisa ayaa hadalkan uu dhexmaray dhakhtarka iyo Kalkaalisadiisa qaabilsan qeybta Suuxdinta.

Dhakhtarka: Waa kuma ninkan?

Kalkaalisada: Waa hoggaamiyaha dalkaas…!! 30 sanno ayuu hayaa xukunka dalkiisa.

Dhakhtarka: Hoggaamiyahan wuxuu u muuqda in uu yahay mid fashilmay!!!

Kalkaalisada: Sidee ku ogaatay in uu yahay mid fashilmay adigoon garaneyn qudhiisa?

Dhakhtarka: Waa qofkee isagoo 30 sanno haya xukunka dalkiisa oo aan dhisi karin Isbitaal naftiisa lagu daaweeyo una baahan yihiin dadka dalkiisa. balse ka jecel in dibadda usoo caafimaad doonto. Alleylahe kaasi waa mid fashilmay.

Kalkaalisada: Xaqiiq ayaad ka hadashay Diktoore. Isug aan suuxiyee faashilka.

Dulucda waxa ay tahay ragga madaxda ah oo badankoodna kasoo jeeda qaarada afrika iyo weliba kuwa soomaalida ee xada ama booba xoolaha ummadda marka ay caafimaad u raadsadaan dalalka reer galbeedka sidan oo kale ayaa ku dhaci karta.

Xigasho: Cismaan Turaabi

Hadalsame Media