”Markii uu Juxaa hadalkan lahaa wax badan makala socdey dalka Imaaraadka?!”

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2019 – Waxaan dhowr su’aalood iska waydiiyey hadalkii ku saabsanaa Konfedaraalaynta dalka iyo in la qaato hannaanka maamul ee dalka Imaaratka Carabta, kaas oo uu Garoowe ku soo bandhigay Wasiir Hore Cabdi Faarax Seed “Juxaa’.

Durba hadalka Wasiirku waxa uu igu dhaliyey in dib u akhristo qodobbada dastuurka dalkaas oo aan kala kulmay arrimo yaab leh oo ka fog hadal jeedinta Wasiir Juxaa.

Qodobbada 121, 120, 190 ee Dasuurka Imaaraatku waxa ay si buuxda awoodda u siinayaan Dowladda Dhexe, iyadoo masuul ka ah Arrimaha Dibadda, amniga, difaaca, lacagta, isgaarsiinta, maamulka hawada, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, socdaalka, xitaa xawaaladaha iyo shaqaaleysiinta.

Qodobbadaas ma ogolyahay Juxaa in ay maamusho Dowladda Dhexe, ileen waxa maanta lagu muransan yahay waaba intaas?

Sidoo kale, Wasiir Juxaa ma ogsoon yahay in saamiga qeybsiga dowladnimada ee Imaaraatka in uu u afduuban yahay Dowlad Goboleedyada Abu Dabi iyo Dubai oo dhinac walba qaatay ku dhawaad laba jibaar saamiyada Dowlad Goboleedyada masaakiinta ah ee kale ee dalkaas.

Tusaale, waxaa lagu heshiiyey oo dastuurka dalkaas ku qornayd in 5-tii sanoba ay labo dowlad Gobeleed qaataan Madaxweynaha Imaaraatka iyo Kuxigeenkiisa, balse taas waa lagu booday oo Dubai iyo Abu Dabi ayaa 50 sano xilalkaas ku dheggan.

Sidoo kale, saamiga Dowladnimada ayaa dhinac uga raran labadaas Dowlad Gobeleed oo midkiiba waxa ay haystaa qiyaastii laba jibaar xubanaha Dowlad Goboleedyada kale ee Baarlamaanka, Golaha Sare ee dalka, Golaha Wasiirrada iyo Garsoorka Sare.

Waloow ay sidaas tahay misna ma aragno maamullo ka tirsan Imaaraadka 7-da ah ee dalkaa ka dhisan oo dibedaha wareegaya ama heshiisyo gaar ah la gelaya dalal dibadeed oo dalka waxaa looga taliyaa magaalada Abu Dabeey.

Wasiir JOOJI dadka Soomaaliyeed waa ka soo gudbeen xilligii ay siyaasi dantiisa u ordaya iska daba ordi jireen.

Waxaa Qoray: Maxamuud Bashiir Jaamac

Hadalsame Media