DHEGEYSO: Shirkad Swedish caan ah oo lagu helay MUSUQ aad u baahsan! (Meelaha ay saamaysay & balaayiin ay isku difaacayso)

0

(New York) 26 Sebt 2019 – Wakaaladda wararka Ekot ayaa muddo dhowr sanadood ah dabagal ku haysey musuq la sheegay inay ku kacday shirkadda is gaarsiinta ee dalka Sweden ee Ericcson, taasoo 100 milyan oo karoon qaab musuq ah u siisay dad dhex roor ah si ay ugu guulaysato qandaraas ku kacaya balaayiin karoon oo ku salaysan hannaanka raadaarka ciidamada.

Daniel Öhman oo ka howl gala laanta wararka Ekot wuxuu ka mid yahay weriyeyaasha dabagalka ku sameeyay Ericsson oo haatan dhaqaale gaarsiisan 12 bilyan oo karoon meel u dhigtay kharashaadka iyo ganaaxyada kaga iman kara baaris haatan uga socota dalka Maraykanka.

Isagoo uu wehliyo Bo-Göran Bodin, oo ah weriyaha dib u eegista Ekot, wuxuu Daniel Öhman kashifay sida ay Ericsson u adeegsatey wakiillo ganacsi, iyadoo lagu tuhmayo inay laaluush ku bixisay si ay qandaraasyo ugu guulaysato horraantii 2007-dii.

Wuxuu Daniel ka hadlayaa waxa ay isaga iyo Bo-Göran Bodin ilaa iminka baaristooda ku ogaadeen? ”Hadii aanu dib ugu laabanno kun-sanaalaha (2000), Ericsson waxay runtii lahayd diiwaan qarsoodi ah, kaasoo aanay dowladdu waxba ka ogayn. Waxay adeegsadeen dhowr wakiil ganacsi ay lacag ugu qoreen inay qandaraasyo usoo dhiciyaan. Meelaha qaar sida Cumaan, Giriigga iyo Costa Rica, waxaannu sii raacnay silsiladda laaluushka oo ay xitaa ku jiraan siyaasiyiin sare oo qaatay malaayiin laaluush ah, ayuu yiri.

Shirkadda Isgaarsiinta Ericsson ayaa lafteedu haatan qiratay inay ku kacday khaladaad maaliyadeed, waxaana shir jaraa’id qabtay saakay agaasimaha guud ee shirkadda Ericsson Börje Ekholm. Daniel Öhman

”Waxaanu had iyo goor isku deyi jirney inaan ku shaqayno mas’uuliyad iyo qiyam, kuwaasoo aad muhim ugu ah sida aan u ganacsanno, balse waloow aan hamigaa sare leennahay misna waa ku fashilannay fulinteeda, intii baaristani socotey waxaan bar garannay in la jebiyay xeer hoosaadkeenna anshaxa ganacsiga. Xeer jebintaa waxaa qayb ka ah in aan tillaabo laga qaadin xilligii ku habboonaa iyo la’aanta koontorool gudeed oo kaafi ah, taasoo u sahashey in dad yar oo shaqaalaha ka mid ihi ay howlihii gudaha uga faa’iidaysteen ujeedooyin aan sharci ahayn. Haatan waxaan qaadnay tillaabooyin anshax marin ah oo ay ku jiraan in la baabi’iyo qandaraasyada ashkhaasta la bar gartay,” ayuu yiri Ekholm.

Baaristan oo soo soctey tan iyo 2013-kii ayaa la sheegay inay khuseeynayso howlaha Ericsson ee Asia, Bariga Dhexe iyo Afrika.

Hadalsame Media