DHEGEYSO: ”Lama wada yeelan karo adeeg DHAKHTAR & FARMASHIYE” – Maxay Somalia arrintan ka qaadan kartaa?!

0

(Gothenburg) 26 Sebt 2019 – Xiriirka dhow ee isa soo taraya ee ka dhexeeya howlwadeennada caafimaadka sida dhakhaatiirta iyo farmashiyaasha ayaa keentay in Wakaaladda dawooyinka ee Läkemedelsverket ay keento hindise ku saabsan in howlwadeennada caafimaadka laga mamnuuco inay farmashi yeeshaan iyo taa caksigeeda.

Wakaaladda dawooyinka ayaa hindiseheeda u sababaysay in lagu yareeyo danaha is diiddan sida in qofka loo qoro dawo aanu u baahnayn iyo in loo diro in uu sameeyo booqasho dhakhtar oo aan daruuri ahayn, ha yeeshee waxaa arrintan aad uga hor timid ururka Iskaashatada Faramshiyashaasha ee Sveriges Apoteksförening.

Johan Wallér, waa guddoonka  ururka Iskaashatada Farmashileeyda wuxuuna sheegay inaanay iminka taagnayn dhibaato keenaysa hindise noocan ah.

”Waxaa tusaale ahaan laga hadlayaa in dawo badan oo aan loo baahnayn la iska qori karo, ha yeeshee, waxaa horraanba jira heshiisyo, shuruuc iyo hab-raacyo diidaya inay taasi dhacdo, ayuu yiri Johan Wallér,” guddoonka ururka iskaashatada farmashileeyda ee Apoteksföreningen.

Yeelkeede, Wakaaladda Dawooyinka ayaa meel kale wax ka aragta, tusaale, farmashiyaha Apoteket Hjärtat ee magaalada Göteborg waa milkiilaha ugu wayn ee shirkadda dhakhtarka online-ka ah ee Min doktor, waxayna Wakaaladdu rumaysan tahay inay tani keenayso in uu dhakhtarku qoro dawo laga helo farmashiyaha adeeggiisa leh ama uu Farmashiyuhu dadka u diro inay dhakhtarkaa booqdaan.

Wakaaladda Dawooyinku ma doonayso inay arrintan faahfaahin badan ka bixiso kahor inta warbixintan looga gudbinayo dowladda maalinnimada Isniinta ah ee soo aadan, balse waxaa tillaabadan soo dhoweeyay Jamciyadda Dhakhaatiirta Läkarförbundet oo sheegtay in loo baahan yahay sharciyo noocan ah oo weliba deg deg ah, sida ay sheegtay Elin Karlsson oo dhanka dawada, IT-ga iyo tiknolojiyadda ugu qaybsan jamciyadda.

Maadaama ay hindisahan ku jirto in aan la wada yeelan Karin dhakhtar iyo farmashiye, waxaa jirta farmashiyaasha silsiladda ah ee Apoteket Hjärtat ay 40% leeyihiin Min Doktor, balse qorshaynayeen inay saami intaa ka badan iibsadaan, waxaana ka warramaysa Annika Svedbery oo madax ka ah farmashiyaha Hrärtat.

”Haddii uu sharcigani hirgalo, dabcan wuu saameeyn doonaa maalgelinnadii aannu mustaqbalka fog samayn lahayn,” waloow uusan waqti xaadirkan waxba bedelaynin, ayay tiri Annika Svedberg.

Hadalsame Media