Akhri halka ay garashada dantooda ka kala taagan yihiin Patrick & Xamaada (Kaddib Soomaali badan ma xusuusataa?)

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2019 – Patrick waa 40 jir Faransiis ah, waa xaasle caruur leh, isaga iyo xaaskiisuba waa ay shaqeeyaan, mushaar badan ayayna ku shaqeeyaan, carruurtiisa waxbarasho lacag la’aan ah ayay heystaan, wax ay deggan yihiin guri ay ku diyaar yihiin dhammaan agabyada lagu raaxeysto, sidoo kale adeegyada aasaasiga ah sida korontada, biyaha iyo gaaska.

Dowladda Faransiiska ayaa siisa adeeg caafimaad oo bilaash ah, sidoo kale gaadiidka dadweynaha. Wax uu howlgabkiisa kadib yeelan doonaa lacag biil ah, noloshiisa oo dhanna dowladda ayaa dammaanad qaadi doonta.

Iyada oo ay intaas oo dhan jirto ayaa waxaa dhacday in dowladda Faransiiska ay in yar sare u qaaday sicirka cuntada Markaa Baatrik wax uu u baqay mustaqbalkiisa iyo mustaqbalka carruurtiisa, isaga iyo saaxiibadii wax ay aasaaseen dhaqdhaqaaq lagu magacaabo “The Yellow Vests or Yellow Jackets) Ololaha ama dhaqdhaqaaqa Jaakada Jaallayaasha jidadka ayayna u soo baxeen iyaga oo diidan kororka ku yimid sicirka cuntada. Dibad baxaa wax uu socdaa muddo bilooyin ah.

U imoow Xamaada oo 40 jir una dhashay dalka Lubnaan, waa doob aan weli guursan maxaa yeelay kharash uu ku guursadaba ma hayo, muxuu qarash hayaa shaqaba ma heysta e, gurigooda waxaa bil walba ay dowladda ka qaadaa lacagta Korontada iyo Biyaha, sidoo kale canshuurta dowladda hoose.

Xamaada Aabihii wuxuu u dhintay khalad caafimaad oo dhacay maadaama uusan jirin adeeg caafimaad oo tayo leh, hooyadiina waa ay xanuunsan tahay wax uu ku daaweeyana ma hayo waayo ceymis caafimaad iyo mid howlgab midna hooyadii ma heysato.

Laakiin arrinka la yaabka leh ayaa ah in Xamaada uu dowladda maalin kasta difaaco sababtuna waa in mid xildhibaan ah ay qaraabo yihiin.

Dhacdooyinkan oo aan soo tarjumay wax aan u wadaa dadka soomaaliyeed ee mucaaradka iyo muxaafidkaba leh ee hebel ayaan qaraabo nahay kaliya wax u difaaca ama mucaarada iyada oo aanay jirin wax nolol iyo mustaqbal ah oo ay ka heystaan shakhsiyaadkaa muxaafidka ah ama mucaaradka ah.

Waa in aan ka gudubnaa qaraabanimo oo aan u gudubnaa qofnimo u dagaalanka danaha ina kulmiya ama na mideeya ee ay nolosheennu ku hagaagi karto hadda iyo hadhoow ba.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Duqoow

Hadalsame Media