Xoolo dhaqato Soomaali ah oo loo diiday inay daaqaan dalka Kenya (Muran siyaasadeed oo ka oogan)

0

(Nairobi) 25 Sebt 2019 – Xildhibaanka deegaanka Eldhas-Wajir Mudane Aadan Keynaan ayaa si adag ugu jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray barasaabka deegaanka Kituai Charity Ngilu.

Wasiirkii hore ee biyaha Ngilu oo la hadleysay dadka deegaanka Kitui waxa ay ka codsatay hay’adaha ammaanka in ay wax ka qabtaan xoola dhaqatada Soomaalida, kuwaa oo daaqsin u yimaada deegaanada Mutha Ward iyo koonfurta Kitua.

Ngilu waxa ay cadeysay in aan loo dulqaadan karin xoolaha Soomaalida ee ka daaqaya deegaanadooda, waxa ay sheegtay in dastuurka Kenya uu yahay mid qeexaya in haddii dhulkaaga iyo naftaada lasoo weeraro ay tahay in ay isdifaacaan.

“Xoolaheenna (Kamba) ma tagaan dhulkooda, yaysan xoolahooda (Soomaali) usoo daaqsin tagin dhulkeenna” sidaa waxaa tiri Ngilu.

Aadan Keynaan oo kamid ah xildhibaanada ugu waqtiga dheer Soomaalida Kenya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay hadalkaasi mid liddi ku ah isdhexgalka qowmiyadaha dalka, isaga oo dowladda ka codsaday in hadalladaasi wax laga qabto, si aysan u sababin kala fogaansho iyo is naceyb bulshooyinka soo kala dhex gala.

“Soomaalidu dalkan Kenya qeyb ayay ku keeyihiin, meel walbay tagi karaan, ku ganacsan karaan, siyaasiyiinta aaminsan in dalkan dad gooni ah leeyihiin, been ayay naftooda u sheegayaan”. Sidaa waxaa yiri Aadan Kenyaan.

Ngilu waxa ay kasoo jeeda qowmiyadda Kamba ee degta gobolka bariga Kenya, waxa uuna xuduud la leeyahay gobolka waqooyi bari Kenya oo Soomaalidu ay degto.

Five TV-Kenya/ 5 Somalia TV

Hadalsame Media

Facebook Comments