Muxuu Dr Cabdiqaasim Salaad uga duwan yahay Xasan Sheekh & Sheekh Shariif?!

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2019 – Mar haddii uu qofka noqdo Madaxwaynaha dalka, waxaa qofka saaran waajibaad iyo door u gaar oo looga baahan yahay inuu ku dhaqmo, ka soo qaad Aaden Cadde, Abdiqaasim Salaad iyo Cabdullaahi Yusuf iyo Daahir Riyaale oo aan marnaba ka qayb qaadanin is-kooxeeysi iyo ololayn siyaasadeed oo ku qotonta dan gaar ah, ayagoo faraha uga qaaday xukuumadda markaasi jirta inay hoowshweeda dastuuriga qabsato.

”Arrimaha Jubbooyinku waxay u baahan yihiin nabadayn balse uma baahna in bansiin lagu sii shubo dhibka taagan. tAASI MA AHA DOORKA MADAX HORE!”

Arrimaha hada ka taagan Jubaland waa mid u baahan nabadayn iyo xasilooni siyaasadeed, jidka kaliya ee u furan madaxdii hore ee dalka waa inuu qayb ka noqdaa nabada iyo xasiloonida gobolada ama faraha kala baxaan oo aysan dab iyo baansiin kusii shubin dhibka ka taagan Jubaland. marnaba ma aha inuu Madaxwayne hore uu qayb la safto, sida uu sharciga waafaqsan yahay.

Soomaaliya ma joogto waqtigii dib loogu celin lahaa siyaasadahii hore loogu guul dareeystay, kuwaasoo ku saleeysnaa is kooxeeysi iyo ku tagrafalid maqaamka madaxwaynenino ee dalkeenna, midaas oo soo hor jeedo xilkasnimadda, waxaan u mahad celinayaa Madaxwaynahii hore hada nool Dr. Abdiqasim Salaad Xasan oo muujiyay sharaf, xilkasnimo iyo ku dhaqanka nidaamka dowladnimo.

Waxaa kula talinayaa walaalaha xilka dalka hore u soo qabtay inay dhoowraan sharciga oo ay ku daysadaan hab-dhaqameedka Dr. Abdi-Qassim Salaad Xasan.

Wa billaahi towfiiq

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur Abuukar Qaasim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media