Madaama la sheegay inay Somalia FEDERAAL tahay waa in laga hirgeliyaa SHARCIGAN! (Akhri)

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2019 – Maadaama Federaalkaba naloo soo waaridey ama naloo soo meen-Guuriyay, Fadlan Xeerkan Caalamiga ah oo dowladdaha Caalamku isticmaalaan halagu darro Xeerarka noo qoran.

Xeerkaan waxaa la yiraahdaa: “Logan Act” wuxuu Dambiile ka dhigayaa wadaxaajood iyo xiriir dad aan loo wakiilan oo Mareykan ah la galaan dowlado Shisheeye oo muran kala dhaxeeyo Mareykanka.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay Xeerkaan waa in laga hortago wax walba oo dhaawacaya doorka Dowladda Dhexe ee Maraykanka.

Xeerkaan wuxuu Soomaaliya ka caawin karaa in laga hortago Hoggaamiye Maamul oo heshiis la soo galo Dowlado shisheeye iyadoon dowladda Soomaaliya wakiilan ama u dirsan.

HALKAN HOOSE KA AKHRI SHARCIGA OO KU QORAN AF INGIRIISI

”The Logan Act is a United States federal law that criminalizes negotiation by unauthorized persons with foreign governments having a dispute with the United States. The intent behind the Act is to prevent unauthorized negotiations from undermining the government’s position.”

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Firxad

Hadalsame Media