Kenya oo CARRAB dalab leh kusoo dhowaysey heshiiska Somalia-Kenya (Maxay birbirinaysaa?!)

0

(Nairobi) 25 Sebt 2019 – Dowladda Kenya ayaa soo dhowaysey kulankii New York ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia, Maxamed Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya ee Uhuru Kenyatta, kuwaasoo uu la sawirnaa Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Alsisi (Madaxa Midawga Afrika).

”In la wada xaajoodaa waa xalkii ay Kenya rabtey!” ayay tiri MOnica Juma

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Monica Juma oo tillaabadan oo ay ku tilmaantay sida ”ay Kenya doonayso” u riyaaqday ayaa Twitter-ka kusoo qortay sidatan:

”Madaxwayne Uhuru Kenyatta wuxuu la kulmay Madaxwayne Mohamed Faarmajo, kulan 3 geesood ah oo uu fududeeyay Madaxwaynaha Midowga Afrika Madaxwayne Al Sisi, iyagoo isku arkay shir doceed ka dhacay kalfadhiga 74-aad ee Golaha Guud ee QM.”

“Kenya way soo dhoweyneysaa kulankii ugu horreeyay oo ah tilaabo hore loogu qaaday dhanka saxda ah, Kenya way aaminsaneyd arrintan, siina wadaysaa inay ku baaqdo in xayndaabka ugu wanaagsan ee xal loogu helayo, mushkiladaha Afrika ay tahay Afrika dhexdeeda”.

Hadalkan ayay dadka qaarkood u fasireen in ay Kenya ajendaha kusoo darsan karto in arrinta baddana laga wada hadlo, balse sida ku qoran heshiiska la gaarey waxay labada dal isla meel dhigeen in dacwaddaa loo daayo Maxkamadda ICJ ee ay iminka hor taallo.


Hadalsame Media