”Ka carara xitaa Hargaysa & Berbera!” – Ingiriiska oo ba’ iyo hoog saadinaya (War rasmi ah oo kasoo baxay)

0

(London) 25 Sebt 2019 – Wasaarad Dibadeedka Britain ayaa muwaadiniinteeda uga digtey in ay u safraan Somalia oo ay ku jirto Somaliland marka laga reebo magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera, sida ku qoran ogaysiis lagu daabcay bogga rasmiga ah ee Wasaaradda (FCO).

”Muwaadin kasta oo British ah waxaa looga digayaa inuu u safro Somalia. Dadka jooga Hargaysa ama Berbera ee aan haynin howlo asaasi ah waa inay goobahaa iskaga baxaan.” ayaa lagu yiri warkan kasoo baxay Xafiiska FCO.

”Haddii aad booqato Hargeysa ama Berbera, aad u taxaddar iskana jir meelaha la iskugu yimaado. Il gaar ah u yeelo warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ah si aad iskaga jirto wixii dibed bax ama qalalaase ah ee dhacaya. Haddii ay wax dhacaan markiiba goobta iskaga carar oo ha daawan ama ha sawirin.” ayaa la raaciyay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in aad looga yaabo weerar argigixiso ama afduub ka dhaca Somalia oo idil, iyadoo sheegtay in loo hanjabey reer Galbeedka iyo ururradooda, min Muqdisho ilaa Somaliland.

Dadka ayaa loo sheegay in waloow ay Britan safaarad ku leedahay Muqdisho aysan misna bixin adeeg safaaradeed, sidaa darteed haddii uu qofku joogo koonfurta wuxuu la xiriiri safaaradda Nairobi, haddii uu woqooyiga Somalia joogana wuxuu la xiriiri karaa Safaaradda Britain ee Adis Abeba.

Sidoo kale ka wac Wasaaradda (FCO) lambarka: 020 7008 1500.

Hadalsame Media