Donald Trump oo lasoo gole joojinayo & Xilka oo laga xayuubin karo! (Muxuu sameeyay?)

0

(Washington, DC) 25 Sebt 2019 – Afhayeenka Congress-ka Maraykanka Nancy Pelosi ayaa shaaca ka qaadday in ay si rasmi ah uu u billowday baaris horseedi kart xil ka-xayuubin oo lagu sameynayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Baarista ayaa la xiriirta eedo ku saabsan in Trump uu dowlado shisheeye inay gacan ka siiyaan doorashada sannadka 2020-ka, ayaga oo beegsanaya ninka ay u badan tahay inuu la loolamo ee dimqoraadiga ah, Joe Biden.

Trump ayaa aad loo werinayaa inuu madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky weydiistay inuu baaritaan ku sameeyo Joe Biden iyo wiilkiisa Hunter Biden.

Pelosi ayaa hadalkan sheegtay kadib markii ay hogaamiyeyaasha xisbiga Dimoqraadiga kula kulantay Aqalka Wakiilada. Tirada dimoqraadiyiinta ah ee doonaya in madaxweynaha xilka laga qaado ayaa isa soo tareysaa
Pelosi ayaa Trump ku eedaysay in khiyaameeyey wacadkii dhaarta ahaa ee uu xafiiska u galay, amniga qaranka iyo amniga doorashada Maraykanka.

Xildhibaan Tom Malinowski ayaa warbaahinta u sheegay inay hore u jireen meel ka dhacyo badani laakiin aanay jirin tan mid loo dhigaa, tani waxay la macno tahay ayuu yidhi in uu madaxweynuhu qiranayo in uu wax isdaba mariyey.

Madaxweyne Donald Trump ayaa kasoo noqdey kulanka meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey si uu isha ugu hayo howsha ka socota Aqalka Cad.

Daqiiqado ka dib markii Nancy Pelosi kasoo muuqatey muuqbaahiyayaasha warbaahinta ayuu Donald Trump ugu jawabey bartiisa twitter-ka, isaga oo ku qorey fariimo ay ka mid ahayd in xisbiga dimuqraadigu xaalad abuurayo xilli muhiim ah oo kulan weyni ka socda xarunta Qaramada Midoobey.

Xigasho: VOA

Hadalsame Media