Seddax su’aalood oo kasoo laabtay sheekada gabadha la sheegay inay qarxisey Xarunta Xamar!

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2019 – Barnaamijka Galka Baarista markaan dhagaystay waxaa iisoo baxay inay
Basiira 26 sano jir ahayd, 6 sano ka hor arrimaha bulshada ka shaqayn jirtay.
Lana kulantay:

1. Madaxwayne hore Xasan Kheekh
2. Yariisow oo wasiir ah (AUN)
3. Raysal Wasaraha Kheyrre
4. Madaxwayne Farmaajo
5. Gudoomiye Yariisow inta la ogyahayna kaalmada soo socota ayuu ufidiyay.
A. Agaasime ayuu u magacaabay
B. Baarista ayuu ka fududeeyay warbixinno hore siday sheegaayeen.
C. $ 0 kun oo doollar ayuu ku caawiyay si ay isku soo dawayso.

Suaalaha is waydiinta mudan waxay yihiin:
Magaca Basiiro inta lahubo wuxuu jiraa 7 sano
1. Goorma ayay la baxday magacaas
2. Mala ogaa in ay reerkeeda xariir dhaw la la lahaayeen Shabaab?
2. Waa kuma dadka awoodda leh ee gadaal ka taagnaa suurta galna ka dhigay la kulanka madaxda ugu sareeysa?

3. Maddaama ay firfircoonayd ma waxaa jiri kara mashaariic ku saabsan xuquuqda dadka naafada oo iyadu ay u noqotay qofka kaliya ee ku habboon in uu gado mashaariicdaas oo isku baddalay mashruuc uu dhiig badan ku daatay?

Maxay yihiin waxa qarsoon aan illaa hadda naloo sheegin?

Waxaa Qoray: Mahad Maxamed Abuukar

Hadalsame Media