GALKA BAARISTA: Sidee ay Basiiro shaqo uga heshay Xarunta Gobolka Banaadir, maxaa se la xiriirinayo Al Shabaab? (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2019 – Waxaa qaraxii ka dhacay Xarunta Xamar ee ay ku dhinteen madax uu ka mid ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Inj Yariisoow ayaa waxaa kasoo baxday inay qaraxaa gaysatey gabar naafo ahayd oo aan waxba arki karin.

Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xogta Basiira Cabdi Maxamed oo ah gabadhii lagu eedeeyey inay fulisay qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Waxa uu barnaamijka dib u raacayaa sooyaalka gabadhaas oo magaceeda dhabta ah uu yahay Maryam Cabdiraxmaan Muxumad Abiikar, sida ay shaqada uga heshay maamulka gobolka Banaadir iyo waxyaabaha la xiriirinaya kooxda Al-Shabaab.

Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf

Hadalsame Media