DHEGEYSO: Maxaa kala qabsaday Donald Trump & gabar 16-jir ah oo CIMILADA u dhaqdhaqaaqda?! (Daawo)

0

(New York) 24 Sebt 2019 – Waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayaa dareen ay muujisay gabadha degaanka u doodda ee Greta Thunberg oo ka qayb qaadanaysa shirka cilimada adduunka oo marka laga soo tago in ay ilmada ceshan waydey markii ka khudbaynaysay shirka Golaha Guud ee QM misna muujisay inaysan la dhacsanayn madax waynaha dalka Mareeykanka, Donald Trump.

Greta Thunberg ayaa horay u sheegtay inaysan la kulmi doonin Trump, yeelkeede, jidadkooda ayaa is gooyey oo waxay iska soo hor bexeen markii uu soo gelayay hoolkii shirka.

Waxaa muuqaal muujinaya sida kulul ee ay u eegtay markii hore faafiyay hilinka Skynews, iyadoo ay dabeeto sii qaad qaadeen hay’ado warbaahineed oo waawayn sida The Guardian, BBC iyo India Today.

Weriyaha dhanka cimilada  ee laanta wararka Ekot, Annika Digréus ayaa sheegtay in ay dad badani Greta aragtidaa la qabaan iyadoo aanay qarsoodi ahayn in uu Donlad Trump dib uga baxay heshiisyadii lagu hagaajin lahaa cimilada adduunka oo sii kululaanaysa sannadihii dambe, xogahaasina oo laga soo xigtay culumada sayniska.

Annika ayaa ka hadlaysa sida ay u fasiri karto fiirada kulul ee ay Greta ku eegtay Donald Trump.

”Waxay ila tahay inay markiiba muuqanayso in dareenkeedu uu ka tarjumayo waxa niyadeedda ku jira. Falcelinta ay samaysay markii ay Trump aragtay waa wax ay dad badani fahmi karaan, qaar badanina ay la qabaan aragtideeda ku aaddan Trump, dhanka kale waxaa jira dad qaba inaan aad loogu dheeraanin waxa niyadeeda ku jira, ayay tiri Annika Digréus.

Halkan ka dhegeyso

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale ka hadlay gabadhan 16-jirka ah isagoo kusoo qoray boggiisa Twitter-ka sidatan:

“Waxay u muuqataa gabar yar oo faraxsan oo u dhararaysa mustaqbal ifaya oo cajiib ah. Marka waa wax wanaagsan inaan arko! ” ayuu yiri, isagoo weliba warkiisa ku lifaaqay muuqaalkii khudbadeeda.

Greta oo dhanka kale khudbad dareen taabad ah ka jeedisey shirka cimilada adduunka ayaa iyadoo qiiraysan aad u canaanatay siyaasiyiinta caalamka oo ay ku eedaysay inay meesha la taagan yihiin ballan qaadyo maran, balse aanay daacad ka ahayn badbaadada mustaqbalka jiilka soo koraya sida iyada oo sheegtay inay harsi iyo hoyaad u diideen xilli ay ahayd inay iskuul joogto oo wax barasho ku mashquusho.


“Dadkii baa silicsan, dadkii baa dhimanaya, hannaanka dhulka (eccosystem) ayaa dumaya. Waxaan qarka u saaranahay inaan dabar go’no, balse waxa aad ka hadashaanba waa lacag iyo sheeko xariiro ku saabsan dhaqaale koraya. Sidee ku dhacday, ayay tiri.

Hadalsame Media