DHEGEYSO: Dacwad ay eeganayaan kooxaha cunsuriga ah oo Sweden ka furantay + Sababta & Warar kale

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2019 – Waxaa dib u bilaabatay dacwad ka dhan ah kooxda midigta fog ee Naasiyiinta ah ee loo yaqaanno Dhaqdhaqaaqa Wax iska caabbinta Nordic-ka ama Nordiska motståndsrörelse, kuwaasoo dibad bax cunsuriyadeed Göteborg ku qabtay 2017-kii.

Nimankan oo ka kooban 16 qofood ayaa ku eedaysan waxyaabo ay ka mid yihiin kicinta sinji gaar ah, dibed bax rabshadaysan iyo nacayb iyo hanjabaad ka dhan ah dad gaar ah.

Dacwaddan oo uu maxkamadda keenay ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, gaar ahaan haddii kooxdan wax dembi ah lagu waayo iyadoo la cuskanayo xorriyadda hadalka ayaa waxay keeni kartaa inay kooxo kale ku dhiirradaan dibed baxyo noocan oo dhalin kara gacan ka hadal. Sida uu qabo Christer Mattsson oo ah cilmi baare daraasadeeya cunsuriyadda iyo xag-jirnimada gacan ka hadalku wehliyo.

”Waxaannu heli doonnaa xukun dhabbe tuse ama hal beeg u noqon doona ama saameeynaya sida ay kooxdan NMR ama ururrada kale isu soo bandhigi karaan mustaqbalka, ayuu yiri Christer Mattsson.

………………………………………………………………………………………………..

Nin Swedish ah ayaa lagu xirey dalka Philippines, kaasoo ku eedaysan inuu ku lug lahaa bam halkaa lagu tallaalay laba todobaad ka hor, sida uu sheegayo hilinka CNN.

Ninkan ayaa la sheegayaa in shalay la qabtay, iyadoo lala qabtay ilaa 3 qof oo kale xilli ay ku sugnaayeen magaalada Isulan.

Ugu yaraan 7 qofood ayaa ku dhaawacmay bamkan oo ku qarxey suuq ku yaalla magaalada Sultan Kudarat oo dhacda gasiiradda Mindanao. Wasaarad Dibadeedka Sweden ayaan arrintan weli xaqiijin karin.

………………………………………………………………………………………………..

Hoggaanka Golaha Degaanka ee degmada Sölvesborg ayaa maanta go’aansanaya in ay maktabadaha ka joojiyaan soo iibsiga buugaagta afafka hooyo ku qoran ee ardayda aan asal ahaan dalkan kasoo jeedin. Hoggaanka Degmada, Louise Erixon (SD) ayaa aaminsan in aan buugaagtan loo baahnayn maadaama aan la akhirsanin sida ay tiri.

Saynab Maxamed Cusmaan waxay sannadihii ugu dambeeyey ku dhaqnayd magaalada Sölvesborg, iyada oo guddoomiye xigeen ka ah Ururka isdhexgalka Soomaalida oo ay horay guddoomiye uga ahayd, sidoo kale waa bare dhiga afka hooyo waxayna aaminsan tahay in fikirkani uu saameeyn ballaaran oo aan wanaagsanayn ku yeelan doono ardayda iyo macallimmiinta dhigta afka hooyo intaba.

Hadalsame Media