DF Somalia oo markii ugu horreeysey ka hadashay warka sheegaya in la hakiyay duullimaadyadii Kismaayo

0

(Muqdisho) 24 Sebt 2019 – Waaxda Duullimaadyada Rayidka ah ee SCAA ayaa beenisay warar ay qorayeen warbaahinta maxalliga ah oo markii hore laga soo xigtey ilo la sheegay inay ku dhow yihiin isla hay’addaasi, kuwaasoo sheegayay in la hakiyay duullimaadyadii tegi lahaa Kismaayo ilaa Khamiista.

Sarkaal sare oo u hadlay SCAA ayaa wararkaasi ku tilmaamay ‘been la dhoodhoobay’, isagoo hoosta ka xarriiqay in aanu jirin duullimaad la hakiyay balse ay kaliya soo rogeen in DF Somalia looga baahan yahay ‘rukhsad gaar ah’ oo la dalbanayo 24 saac kahor xilliga loo duulayo Kismaayo.

Amarkaas oo soo baxay laba maalmood kahor oo ku beegan 22-kii Sebtembar ayaa u qoran: “Dhamaan duullimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee u safraya ama ka imanaya Kismaayo (HCMK) waxaa lagaga baahan yahay rukhsad gaar ah iyadoo farriin danabeed la gaarsiinayo e-mail-ka  SCAA@SCAA.SO 24 saacadood xilliga duulista kahor, iyadoo lasoo maraya jidka Muqdisho (HCM).”

Sarkaalka ayaa sheegay inay caadi sida kale u socdaan duullimaadyada taga Kismaayo oo shalayba ay halkaa u duushay dayuurad ka socotey Laanqayrta Cas.

“Wararka ay saxaafaddu ku sheegtay in aannu hakinnay duullimaadyada Kismaayo waa kuwo gebi ahaanba been ah,” ayuu yiri sarkaalku.

Hadalsame Media