GUUL QARAN: Xulka Somalia oo darajadii ugu sarreeysay ka gaarey ciyaaro caalami ah!

0

(Nairobi) 23 Sebt 2019 – Xulka Soomaaliya ee ciyaaraha Xeegada ayaa kaalinta 3-aad ka galay Tartanka Afrika ee Xeegada.

Somalia ayaa waxaa dirqi uga badisay Kenya 7-6, kaddibna waxaa ka badisay Burkina Faso oo dirtay 6-1, ha yeeshee, Somalia ayaa 5-0 uga badisay Mozampique, halka ay 5-2 dirtay Uganda, waana laba guulood oo ay Somalia gaartey.

Kenya oo marti galisay tartanka ayaa gashay gaalinta 1-aad, halka Burkina Faso ay gashay kaalinta labaad, iyadoo ay Somalia xiratey kaalinta 3-aad.

Xiriirka Xeegada Soomaaliya waxa uu xubin ka noqday Xiriirka Xeegada Adduunka sanadkii 2016-ka sida lagu shaaciyay bogga xiriirka.

Xulkan oo gebi ahaanba kasoo dhoofay magaalada Gothenburg ee caasimadda 2-aad ee Sweden ayaa halkaa dib ugu laabanaya isagoo ilaa xad lib ku jooga maadaama aysan Somalia abid ka qayb gelin ciyaaraha noocan ah oo Afrikaba ku cusub.

Waa darajadii ugu sarreeysay ee ay Soomaaliya ka gaarto ciyaaraha caalamiga ah.

Hadalsame Media