Sheekh Shariif waa siyaasi MUXTARIM ah, markan se waa ka murgacatay!!

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2019 – Madaxwaynihii hore, Sheekh Shariif waa shakhsi maqaam weyn ku leh geedi socodka siyaasada wadanka kaalin weyna kasoo qaatay raadinta midnimada dalka waa shaqsi dadka yaqaan ay ku tilmaamaan debci wanaag iyo qof aad u ixtiraam badan.

Intaas marka laga soo tago go’aanka ah inuu furo u noqdo caleemo saarka iyo taagerida Ahmed Madoobe oo shaqsi ay wadato dowlad sheeganeysa qeyb ka mid ah dhulkeena si la mid ahna ku haya dhibaatooyin ba’an iyo caburin bulsha weynta degan Juba Land waxa ay ila tahay qalad siyaasi ah (political fault) ka dhacay madaxweyne Shariif.

Waayo, ugu yaraan waxaa habooneyd inuusan noqon qofka ugu horreeya ee taga ama sharciyeeya arrintaa lagu muransan yahay, laakiin waxay ahayd in uu u qiimeeyo xaaladda, si aysan kaligii shaabaddu ugu dhicin.

”Ma ahayn inuu sharciyeeyo doorasho lagu muransan yahay’

Waxaa kale oo kiiskan ku jirta arrinta Kenya oo haatan sheeganaysa dhul Soomaaliyeed welibana muranka bilowday xilligii ay talinaysay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif.

Waxaan soo jeedinayaa in DF Somalia iyo isagu ay arrintan hoos u dhaqaan si aysan umadda uga lumin wax waqti ah oo ay dano badan oo ka muhiimsan ku qabsan lahayd.

Tan kale madaxdii hore ee dalka soo xukuntay si gaar ah ayay ishu u qabanaysaa, sidaa darteed waxaa wanaagsan inay waxyaabaha qaar ka dhuuntaan si aan sawirku ugu qaban meelaha qaar, xataa haddii ay leeyihiin han siyaasadeed.

Waxaa Qoray: Cabdinuur BLK (Mr Carbon Dioxide)

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments