RASMI: DF Somalia oo hakisay duullimaad kasta oo tegi laha ama ka iman lahaa Kismaayo

0

(Muqdisho) 23 Sebt 2019 – DF Somalia ayaa ku dhawaaqday in muddo ku siman 3 maalmood si rasmi ah loo hakiyay duullimaadyadii tegi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ahna fadhiga KMG ah ee Jubbaland.

Hay’adda Duulista Dawada Somalia ee SCAA ayaa iminka daboolka ka qaadday in laga bilaabo maanta oo ay taariikh qorrexeedku lku beegan tahay 23-ka Sebtember illaa 26-ka isla bishan la hakiyey dhamaan diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya Kismaayo.

Sharikaadka duullimaadyada maxalliga ah ayaa go’aankan lagu wargeliyay, waxaana arrintan loo fahmey mid lagu sii ciriirinayo ka qeyb galka xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe oo kusoo baxay doorasho aad loogu muransan yahay oo ay diiddey DF.

Shalay ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde laga celiyay wefdi uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo doonayay inay u duulaan dhanka magaalada Kismaayo, si ay uga qayb galaan xafladda caleemo saarka.

Hadalsame Media