”Is taataabta!” – Barnaamij anshax xumo oo loo dhigayo carruurta 6-jirka ah oo laga bilaabay Ingiriiska & waalidiinta oo ka caraysan

0

(London) 23 Sebt 2019 – Waalidiinta Britain ayaa aad u caraysan kaddib markii in ka badan 240 dugsi hoose oo dalkaasi ku yaalla laga bilaabay wax lagu sheegay “casharro is kaagicin ah” oo carruur ay da’doodu aad u yar tahay oo ilaa 6-jir ah lagu barayo inay is taataabtaan, wax lagu sheegay waxbarasho dhanka jinsiga ah.

Barnaamijkan oo hab-raaciisa lagu daabacay warqaadka Mail on Sunday, ayaa ilmaha saqiirka ah ee 6-10 jirka ah lagu barayaa wax lagu magacaabo “the rules of self-stimulation.”

Waxan ayaa qayb ka ah wax lagu tilmaamay casharro qayb ka ah Barnaamij la yiraahdo All About Me oo laga hirgeliyay in ka badan 240 dugsiyada hoose ee degmada dhacda bartamaha Ingiriiska ee Warwickshire County.

Barnaamijkan ayaa la waafajinaya maaddo khasab ah oo ku salaysan barashada xiriirka iyo jinsiga (Relationship and Sex Education (RSE), taasoo laga dhaqan gelin doono dhamaanba iskuullada UK bisha Sebtembar ee sanadka xiga 2020.

Casharka waxaa ka mid ah qayb la yiraahdo ‘Touching Myself’, taasoo macallimiinta loo sheegay in dhallaanka u sheegaan “inay is toqleeyaan,” iyagoo taabanaya “xubnohooda gaarka ah” iyadoo loo sheegayo inay taasi “caadi tahay,” despite the fact that “some people may get cross or say that it is dirty.”

Kaddib waxaa ciyaalka la siinayaa wax lagu sheegay waano malageed galay oo ah inaysan “asluub ahayn” inay isku taataabtaan fasalka dhexdiisa ama meelaha dadwaynuhu joogaan, balse ay caadi tahay marka ay “kaligood yihiin ama dabcan ay musqulaha ama sariirohooda joogaan.”

Waalidiinta ayaa caro la qaacaya iyagoo shoog ka muujiyay arrintan oo ay ku sheegeen in carruurtoodii yar yaraa lagu dhiirri gelinayo falfal xumo iyo s****go. “In carruurta arrimaha noocan ah la geliyo waa mid aan gebi ahaanba haboonayn,” ayuu yiri Matthew Seymour oo la hadlay Mail on Sunday.

Waalidiin badan ayaa carruurtooda ka saaray xiisaddan, iyadoo dad badan oo ah khubaro dhanka waxbarashada ihi ay ka dayriyeen barnaamijkan oo ay ku sheegeen mid aan ku habboonayn carruurta yar yar.

Hadalsame Media