Farqiga GEELLEEYDA & REER GURIGA iyo saamaynta ay ku leedahay geeddi socodka DOWLADNIMADA Soomaalida

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2019 – Ilbaxnimadu sideedaba waxay ka timaadaa xeebaha, ka dib waxay u gudubtaa beeraleeydda, gobolada Koonfurta waxaa looga dhaqmaa xeer ka yiraahdo XEER GURI, kasoo ogolaanaayo nabad kuwda noolaasho iyo u hogaan sanaan maamulka iyo sharcuucda uu qabo xeer guriga oo la mid ah dastuur. Xeer guriga wuxuu dalka Soomaaliya gaarsiiyay xadaarad dheer iyo hurumar ay sako ugu diri jireen aduunka saboolka ah.

Waxay ku dhaqmaan nidaam dowladimo, waxaad ka garan kartaa maahmaah ay gaar u leeyihiin dadka Koonfurta degan oo oraneeysa “ Amar dowlo mudeec ninkii diidi dabaal”

AWOODDA & XOOGGA

Awooda iyo xooga way kala duwan yihiin:

a) Awooddu waa mida sharciga ku dhisan oo ay dowladi leedahay (power to execute).

b) Xooggu waa wax loo isticmaali karo in wax jira lagu burbursho (force to distroy).

Qofka ka yimid xadaarada wuxuu aaminsan yahay in sharciga dowlada loo hogaansamo oo qofkii sharcigaas ka hor yimaadaana uu yahay qof waalan. Marna ma ogola inuu dowlad la dagaalamo, muxuu aaminsan yahay haduu ka dagaalamo dowladnimada inay la mid tahay inuu la dagaalamaayo sharciga taasi oo ka soo hor jeedo xeer dhaqaneedkiisa, waana sabata aysan qayb uga noqonin burburka dalka Soomaaliya.

Qofka ka yimid dhaqanka reer guuraaga wuxuu aaminsan yahay xoog oo ah dhaqanka uu ka yimid oo ku dhisan dagaal iyo xoog geela lagu badbaasado, xoogaas wuxuu kula dagaalami karaa awooda iyo sharciga kasta mid gaar ah iyo mid dowladnimo, waana sababta dalka Soomaaliya uu u burburay.

Waxaan kaloo jirta dhib dadka xoolo dhaqatada ay kaga soo hor-jeedaan hurumarka iyo farsamada uu mushtamac ku hor mari karo. Qofka reer guuraaga, asagoon aqoon inuu samaysto dharka, kabaha iyo midni iyo waran uu ku dagaal galo, hadana wuxuu caynayaa ninka farsamadaasi yaqaanay oo xadaarad leh asagoo qaawan.

Waxaan aaminsanahay in hurumar iyo wacyi gelin badan loo sameeyo dadka xoola dhaqatada si aysan dalka Soomaaliya dowladninadiisa aysan markale dhib ugu noqonin, waa arin u baahan In si cilmiyeeysan looga fikiro, ayadoo labada dhaqanka ka sharfaayo hadana waa inuu midna uusan dhib u geeysan horumarka iyo dowladnimadda dalka Soomaaliya.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A. Qaasim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media