Xulka Somalia oo maanta u dhoofaya dalka Uganda (Arag jadwalka ciyaarihiisa)

0

(Muqdisho) 21 Sebt 2019 – Ciyaartooyda xulka Soomaaliya ee 20-jirada ayaa maanta ka bixi doona garoonka Aden Adde International Airport, waxeyna kusii jeedaan dalka Uganda.

Waxey ka qeyb galayaan tartanka CECAFA U20 CHALLENGE CUP kaas oo ay kasoo muuqan doonaan 11 dal.

Qaranka Soomaaliya waa kan ugu dambeeya ee iska xaadirinaya Uganda, iyadoo wadamada kale ay isbuucii hore gaaren halkaas.

Dal ku galka (Visaha) oo kasoo daahay ayeyna ku dhacday, kuna darso waa xulka kaliya ee lagu xujeeyay (VISO).

Garsoorayaasha tartanka ayaa shalay gaaray dalka Uganda.

Dhinaca kale Jadwalkii hore koobkaan waa la badalay 23-ka ayey Soomaaliya la ciyaari doontaa Burundi, waana culeys kale oo la saarayo qaranka maadaama ay heli doonaan 48 saac ka yar nasiino iyo tababar ah kadib safarkooda.

Jadwalkii hore waxaa ku qornaa iney ciyaari doonaan 25-ka, balse waa lasoo dhaweeyay.

Si kastaba 20-jirada Soomaalida waxey diyaar u yahiin iney dhigooda la tartamaan iyadoo uu xaalka sidaan yahay.

Sawirka idiin muuqda waa jadwalka cusub, ka fiirso taariikhda ay Soomaaliya ciyaareyso tartanka.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media