Sidee hoggaamiyaasheennu ugu dayan karaan madaxdii la MAHADIYEY?!

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2019 – Mary Harper oo katirsan BBC Africa ayaa qabta inaysan jirin meel Soomaaliya loogu tilmaami karo dal fashilmay, maadaama tan iyo dhicista xukunkii Siyaad Barre ay bulshada Soomaaliyeed juhdi iyo halgan dheer u soo galeen sidii ay iskood u buuxin lahaayeen kaalintii dowladnimada oo meesha ka baxday.

Inaad Soomaali noqoto marka laga eego dhinaca fiican ayay tiri, Shamis Ismaciil Xuseen  oo cilmi baaris ku sameysa geeddi-socodka hab nololeed ee dalka Soomaaliyeed, waa in jiritaan la’aanta hannaan dowladeed oo sugan ay haddana nolosha ku qaabileen hal-adeyg iyo horusocod.

In ka badan rubac qarni dalka dhaca bariga qaaradda Africa ayaan helin xasilooni dadkiisu kaga samata baxaan mahadhadii dhacday 1991, tani waxaa dib loogu celiyaa in Soomaalida ayna helin tan iyo xurnimadii 1960-kii hoggaamiye indheer-garad ah oo ka madax bannaan nin jecleysi, musuq joogta ah iyo xukun jaceyl.

“Kuwa u yimaada inay noogu yaboohaan digir, galley, caano iyo saliid, ma ahan kuwo ina caawinaya. Kuwa dhab ahaan u doonaya inay gargaar noo fidiyaan, waxay noogu deeqi karaan agabyada kaalmaatiga u leh wax beerashada sida cagaf-cagaf, bacrin, riig ceelal lagu qodo iyo cayayaan-dile lagu ilaaliyo tacabkeenna. Waa taas gargaarka cunnada ee dhabta ah.”-Thomas Sankara.

Waa mid kamid ah hoggaamiyaasha ay dadkiisu mahdiyeen xukunkiisii ku dhisnaa dal jaceylka oo uu ku maamulayey dalka Burkino Faso.

Stephen Kinser oo ah qoraaga buugga Thousand Hills in Collabortaion with Kagame Himself, wuxuu ku tilmaamay mid kamid ah hoggaamiyaasha Africa kuwooda ugu doonista adag. Wuxuu gudaha buuggiisa ku sheegay in Kagame uu leeyahay hibada iyo xirfadda hoggaamiye-nimada taasi oo lagu gartay go’aankiisii adkaa oo uu qaatay kaddib markii uu af-meeray Xasuuqii Boqolka Maalmood.

In 100 Maalmood ama seddex bil iyo ayaamo aan gaarsiisneyn 10 cisho mid kamid ah qabaa’illada dalka Rwanda qudha loogu jarayey si maalinle ah 14,286 oo qof xitaa tebiyihii BBC World Service ee Mark Doyle uu garan waayey qiyaasta ruux baxda, uu maanta dhanka horumarka Africa kaga jiro boos sare, waxaase cajiib ah in caasimaddiisa Kigali tahay midda ugu billicsan qaaradda balse weydiinta uu qof weliba si nafsiyan isu hordhigayo ayaa ah sababta dal 1994-kii dhibbanaa maanta sidan u horumaray mise duni kale ayaa lagu beeray? si fudud warcelinta ayaa ah maya ee waxay heleen hoggaamiye Kagami oo la yimid tallaabooyin ficil isu beddelay.

“Malihi wax qoomamo ah. Waxaan waqtiga ugu badan ku bixiyay dhismaha dalkan. Mana jirto wax intaas ka badan oo aan u baahnaa inaan sameeyo. Gabagabada maalmahayga, waxaan helay Singapore guuleysatay. Waxaana aan u huray cimrigeyga.”- Lee Kwan Yew.

Ma jirin cid rumeysneyd in dunida uu kasoo bixi doono dal la yiraahdo Singapore isakaba daa in heer sarre dunida ay kaga naaloodaan. Waxayna wargeysyada caalamka fiidda sarre ee ciwaanadooda u saarnaa qoraalka ‘ Singapore is out’ waa u dhammaatay Singapore, balse Lee ayaa u beddelay duni maanta isu heysata amni, nadaafad, iyo kobac dhaqaale.

“Inaan in yar gudaheed ku noqono mid kamid ah dalalka ugu horumarsan dunida, waa in aan ugu mahad-celinaa halgankii indheer-garadnimada lahaa ee Lee Kwan Yew.” – Patric Liew.

Dunida maanta quwadaha adduunka waxaa halka sarre kaga jira dal la yiraaahdo Turki oo ay badi dadkiisu yihiin Islaam, kahor hoggaamintii indheer-garadnimada laheyd ee Erdogan dalkan magaalooyinkiisa ugu waaweyn sida Istanbul waxay aheyd magaalo qashinka dhex ceegaagayo balse mucjisada la mahiyay ee Rajab ayaa maanta Turkiga ka dhigtay in uu kamid yahay dalalka ku horumaray dhaqaalaha adduunka.

“Dal weliba waxa uu u baahan yahay hoggaamiye adag si uu u horumariyo dhulkiisa.”Rajab Dayib Erdogan

Runtii hoggaamiyaashan ku xusan warbixinta ee aan inta badan kasoo qaaday Buugga Madaxdii La Mahdiyay waxaa intooda ugu badan ay diiradda saareen wax soo saarka gudaha iyaga oo meel iska dhigay kaalmada caalamka ee aad moodo si aan tahay dal la gumaysannayo.

Dalkeenna waxa uu Eebba ku manneystay khayraad badan sida Bad, webi, iyo dhul beereed innagu filan, balse intaasi innaga oo heysanna ayay abaaruhu noogu kor socdaan sida roobkii labadii sanno mar. Weydiinta qof waliba oo muwaadin Soomaaliyeed ah maankiisa ka guuxeysa ayaa ah, maxaa diidaya in madaxdeenna heer gobal iyo mid federaal ay diiradda saaraan wax soo saarka gudaha intii ay shisheeyaha kaalma ka sugi lahaayeen? Waase warcelin laga dhowrayo hoggaamiyaasha dhaarta u maray danta qaranka.

WQ: Maxamed Xasan Maxamed

Farriin Danabeed: [email protected]

Hadalsame Media

 

Facebook Comments