Madaxtooyada Somalia oo meel marinaysa tillaabo aad muhim ugu ah dalka

0

(Muqdisho) 21 Sebt 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu saxiixo sharciga dhismaha guddiyada ladagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiiso Munaasabad ka dhacaysa Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Agaasime ku xigeenka Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Xaashi oo ka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in sharcigaan inuu yahay mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

Hadalsame Media