DHEGEYSO: Somaliland oo DHIRBAAXO ceebeed laqsiisay Kenya!! (Codsi ay ula tageen oo fashilmay)

0

(Hargaysa) 21 Sebt 2019 – Dowladda Kenya ayaa dhirbaaxo kala kulantay maamulka Somaliland oo sida ay wararku sheegayaan ay ugu geed fariisatay inay la riixaan qorshaha ay ku sheeganayso dhul hor leh oo Soomaaliyeed.

Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa la sheegay inay warqad u dirtay nidaamka Hargaysa, iyadoo warqadda ku hagaajinaysa Wasaarad Dibadeedka Somaliland iyadoo marsiinaysa qunsuliyad la sheegay inay ku leedahay Hargaysa.

Kenya ayaa Somaliland ka codsatay inay ka caawiso sidii ay ugu guulaysan lahayd dhul-badeedka Somalia, iyadoo taa biddaalkeeda Somaliland u ballan qaadday inay ”aqoonsan doonto” haddii ay hantiso dhulka ay sheeganayso.

Sarkaal sare oo ka tirsan Somaliland ayaa Garaad TV u sheegay in kaddib markii ay arrintan isla gorfeeyeen xayndaabka sare ee Somaliland la isku afgartay in aan arrintaa lagu garab siinin Kenya.

”Somalia siyaasadda ayaan isku diiddanahay, balse marnaba cadow kuma soo hoggaaminayno,” ayay dad shirka ku dhowi kasoo weriyeen madasha oo sidoo kale sheegay in Somaliland ay garowsatay in uu sidoo kale waajib ka saaran yahay ilaalinta dhulkaa Soomaaliyeed.

Maamulka Somaliland ayaa bilowgii u muuqdey mid u riyaaqsan aragtidan iyagoo xitaa wefdi u diray Nairobi, balse inta badan dareenka shacabka woqooyiga ayaa arrintaa saluugey, taasoo la oran karo waa midda keentay inay arrintan ka gaabsadaan oo dib uga gurtaan.

”Kenya waxaad ka faa’iidaysanaysaa itaal darrida Somalia. Waxaan leeyahay Kenya faraha hakala baxdo badaha Somalia.” ayuu yiri oday beri dhowayd lagu waraystay bartamaha Hargaysa.

Halkan hoose ka dhegeyso…

 

Hadalsame Media