CALI QARAN: Maxaad ka taqaanaa maleeshiyada la dagaalanta Shabaabka?

0

Iyada oo ay dowladda Feederaalka ee Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM ay muddo dheer dagaal kula jiraan ururka Alshabaab ayaa haddana waxaa muddooyinkii dambe soo ifbaxayey maleeshiyaad Soomaali ah oo deegaanadooda ka billaabaay dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Kooxdii labaad oo shacab Soomaali oo iskood iisu abaabulay si ay Alshabaab ula dagaalamaan ayaa la sheegay inay ka hawlgalaaan gobolka Bakool. Mileeshiyadaasi oo lagu magacaabo Cali Qaran oo in muddo ah jirtay balse hadda billowday inay dagaal toos ah la galaan kooxda Alashabaab.

“Waxaa nagu kalifay Alshabaab markii ay ummadda dhibaateeyeen dadka waxgaradka ah, culimaa’udiinki iyo malaaqyadi la gowracay oo dadki la baab’iyey hantidoodina faraha lagala baxay oo lagu takrifalaya iyada oo la leeyahay Saka iyo waxaasaa la qaadayaa”, ayuu yiri Cali Abduullaahi Diiriye oo ah hoggaamiyaha maleeshiyadaas oo BBC uga warramay

”Ilaa iyo hadda dhawr mar oo ay na soo weerareen oo aan iska caabbinnay iyo deegaanki annaga aan iska aasaasnay oo ay ka fogaadeen, xoolihi ay naga qaadi jireen iyo dadki la gowrici jiray oo loo soo dhici jiray oo aan ka badbaadnay, wax badan baa noo nabad galay” ayuu sii raaciyey Cali Cabdullaahi Diiriye.

Mileeshiyadan oo aasaaskeegi ugu horreeyey looga yeeri jiray ‘Cali Qaawane’ magacaasi ayey maleeshiyadu muddo kaddib u baddaleen Cali Qaran.

“Marki hore ‘Cali Qaawane ayaan la baxnay’ marki aan nimanki iska caabbinnay wax saka ah iyo wax xadgudub ah nagula sameeynin, magacan cusub ee ‘Cali Qaran’ waxaa noo bixiyey madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo” ayuu yiri.

Xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka waxay sheegeen in ay si iskood ah isku abaabuleen si ay dagaal ula galaan ururka Al Shabaab.

Dowlad Federaalka Soomaaliyana waxay garab siisaa mileeshiyaadka Alshabaab la dagaallama ee iskood iisu abaabula oo ay ka mid yihiin miliishiyada Cali Qaran iyo kuwa kale oo horay u jiray oo ay ka mid tahay Mileeshiyada Macwiisleyda ee gobolka Hiiraan.

Waa kuwama “Macawisleyda” dagaalka kula jirta Al Shabaab?

Maleeshiyaadka “Macawisley” ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaallada u dhexeeyay Al-Shabaab iyo malleeshiyaadkan isbeheystay ayaa ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo deegaanno hoostago gobolka Hiiraan.

Labada dhinac, waxaa dagaallada uga dhintay dagaallamayaal badan.

Ninkii hoggaamin jiray “Macawisleyda” ayaa lagu dilay weerar Shabaab iyo malleeshiyada ku dhexmaray degmada Aaadan Yabaal, bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay.

Malleeshiyaadkan waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan in “shacabka deeganadaas ay ururka Al Shabaab ka qaadaan canshuuraha iyo in kooxda ay carruutoodu ciidan u qortaan”.

Xigasho: BBC Somali

Hadalsame Media