Arrin aad loo hadal hayo oo maanta ka dhacday magaalada Hargaysa + Sawirro

0

(Hargaysa) 21 Sebt 2019 – Waxaa aad loo hadal hayaa arrin maanta ka dhacday magaalada Hargaysa, taasoo ku saabsan weriyaha ruug caddaaga ah ee Mary Harper oo mar qura la arkay iyadoo qashin ka ururinaysa jidadka magaalada Hargaysa.

Ms Harper ayaa la sheegay inay wadatey dhowr qof oo iyada la socdey, balse gacan kama helin dadkii xaafadda degganaa oo la sheegay inay dhinac dhaafayeen iyagoo qoslaya.

Arrintan ayaa keentay inay dadku aragtiyo ka dhiibtaan:

Weriye Khadar Shaanni ayaa soo qoray: ”Marka aad dalkaaga ugu noolaato sida ugaadha oo kale, qashinkana aad iska guri waydo, kii aad udooratayna aad la xisaabtami waydo, in sida dhegoolaha wax lagu tuso sow kuma haboona? Mary Harper waxaan odhan lahaa Buug ka qor qashinka Hargeysa.”

Maxamed Cali ayaa yiri: ”Runtii waa arin xanuun badan team ayay wadatay oo lagurayey qashinka dadku way qoslaya oo hareeraha ayay ka dhaaf dhaafayaan waxaabay u arkaan qof waalan lkn xaqiiqdu waxay tahay inaynu mahay umad damiir ahaan u dhimatay oo foolxumada qashinka musuq maasuqa dhaca dilka xumaan oodhan ay agteena katahay wax caadiya waa uurkutaalo aanay muuqan xataa 100 sano ee soosocday inay inaga bi i doonto hadii aan illahay xagiisa nasri kasoo rogin.”

Maxamed Cudhi oo ka mid ahaa dadkii arrintan ka faallooday ayaa Mary Harper dhan kale ka arka wuxuuna yiri: ”Haweeynadan waay ka qortay soomali waxa la dhaho 2012 lakiin maxaay ka sheegtay akhri meel ay dhaaftay malaha xamar hargeysa xataa waxaay ka soo bilowday 900 oo sano taariikh ah waa sirdoon hoyadeedna waxaay ahaayd 1992 kooxdii aaday muqdisha macaluushi ka dhacday, iyaduna soomali inay jeceshahay ayay iska dhigtaa lakiin buggeda ruuxa ajaanibka ee akhriya soomaali wuu dersay wuuna ogaadey waxay yihiin.”

Sawirle: @Mohamed Ali

Hadalsame Media