AMISOM oo qirtay inay isa soo tareeyso cududda Ciidamada SOMALIA , qorshaha

0

(Muqdisho) 21 Sebt 2019 – Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa inay AMISOM kala wareegto mas’uuliyadda dhanka ammaanka ee dalka, maadaama wixii ka dambeeya doorashada madaxtinimo ee sanadka dambe 2021 ay AMISOM gebi ahaanba isaga bixi doonto Soomaaliya.

Taliyaha ugu sarreeya AMISOM, Gen. Lakara ayaa mar la weydiiyay in Ciidammada Soomaaliya ay qaadi karaan mas’uuliyadda sugidda amniga dalka wuxuu sheegay in tan iyo Janaayo la dhisay 6 Batalyan oo ah Ciidammada Soomaaliyeed ee sida gaarka ah u tababaran ee dagaallama.

Wuxuu xusay in haddii ay sidan wax kusii socdaanna in ciidammada Soomaaliya ay xasilin karaan dalka, isagoo tusaale usoo qaatay goobihii ay dhowaan xoreeyeen ee Awdheegle, Bariirre, Sabid iyo Caanoole iwm.

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Y Khasaaro

Hadalsame Media

Facebook Comments