Akhri 5-ta marxaladood ee XUUB-SIIBADKA qabyaaladeed ee SIYAASIGA & halka uu ugu dambayntii ku furo!

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2019 – Waa Maxay Qabyaaladeyste? Ka bogo shanta jaranjaro ee uu siyaasigu qabyaaladda marsiiyo, ilaa uu ka gaarsiiyo midda ugu dambeeysa oo ah dantiisa gaarka ah.

1. Wuxuu raadinayaa xaquuqda sida uu sheegay Beelweyntiisa. Tusaale Beelweynta WAXAR.

2. Markii Beelweynta WAXAR la siiyo Wasiir waxa uu qabyaaladeystuhu raadinayaa xaquuqda sida uu sheegay Lafta uu ka soo jeedo ee la yiraahdo DAWACO taasoo uu la rabo in la siiyo halkii Wasiir ee loo qoondeeyey Beelweyntiisa WAXAR.

3. Markii Laftiisa ka tirsan Beelweynta Waxar ee la yiraahdo Dawaco la siiyo Halkii Wasiir, waxaa kadib qabyaaladeystuhu ku dadaalayaa in Wasiirkaas laga dhigo qof ka soo jeeda Jufadiisa oo la yiraahdo Jufada Weer-Calaan oo iyana ka tirsan Beelweynta Waxar.

4. Haddii Wasiirkii loo weeciyo dhanka Jufadda Weer-Calaan waxaa qabyaaladeystuhu isku dayayaa ama uu rabaa in Wasiirka laga dhigo qoyskiisa Hoose oo la yiraahdo REER JILAAFO kuwaas oo ka tirsan jufada Weer-Calaan oo ka tirsan iyaduna Beelweynta Waxar.

5. Haddii Wasiirku noqdu qof ka soo jeeda qoyskiisa REER JILAAFO waxaa deeto Qabyaaladeystuhu ku sii dadaalayaa in Wasiirka laga dhigo isaga ama wiilkiisa uu dhalay iskaba daa in laga dhigo qof isaga la dhashaye.

Halkaas markay taagan-tahay waxaa kuu cadaatey in qofka Qabyaalada ka shaqeeyaa uusan Qabiilkiisa guud ee weyn iyo kuwa ka sii far camay wax la rabin oo kaliya waxa uu raadinayo tahay isaga dantiisa..

Si taas uu u gaaro waxaa uu wado la maro ka dhigtaa Qabiilka.

ABWAAN TIMACADE WUXUU YIRI: DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE.

Waxaa Qoray: Maxamed Odawaa

Hadalsame Media